Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Gar-gaarka oo la kulmay wafdi ka socda Malaysia+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Gar-gaarka oo la kulmay wafdi ka socda Malaysia+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday dalka Malaysia gaar ahaan Hya’adda Islaamic relief,kuwaasi oo u yimaadey sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen qorshe ay ku doonayaan sidii mashaariic horumarineed oo dhanka gar-gaarka ah ay uga fulin lahaayeen goobaha dhibaatooyinku ay ka jiraan ee gobolada dalka.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Gar-gaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa soo dhoweeyey xubnaha wafdigaasi,waxaa ay Muqdisho ku yeesheen kulan xog wareysi ah oo ku aadan ujeedka socdaalkooda iyo kaalinta dowladda Soomaaliya ay uga baahan yihiin in ay ka geysato fududeynta mashaariicdaasi gar-gaar oo ay fulin rabaan.

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Seyruu Shaafidiin Seynul Cabidiin oo ah madax hay’adaasi ee Soomaaliya oo wafdigaasi hoggaaminayay ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay dhowr arrimood oo ay kamid yihiin dhiiro gelinta howlwadeenadoodi Soomaaliya oo ku guuleystay in ay fuliyaan mashaariic badan,sidii kale in ay soo qiimeeyaan deegaanada kale oo ay baahiyuhu ka jiraan,si ay kaalin uga qaataan dhaqaale u raadinta gar-gaarkaasi.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gar-gaarka Mudane Xildhibaan C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa faah faahiyay waxyaabihii ka soo baxay kulankooda.

“Waxaan soo dhoweynay wafdigan ka socday Islamic Relief oo ka shaqeysa gar-gaarka iyo caawinta dadka danyarta ah,waxaan galnay shir aan isaga xog wareysanayanay ujeedka socdaalkooda,waxaa ay inoo sheegeen in deegaano badan ay tagi doonaan,iyagoo wada qiimeyn ku aadan baahiyaha,si loo helo dhaqaale uruurin oo dadkaasi lagu caawinayo,anagadna dowladda maadaama aanu nahay waa in aan ogaanaa hay’adaha fulinaya mashaariicda,sidaasi darteeda ayaan u qaabilnay”. Ayuu yiri wasiir C/rashiid.

Previous Post

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay dhagar qabayaal Al-Shabaab oo doonayay iney toogtaan Haweeney

Next Post

Maamulka&Shaqaalah Wasaarada Boostada XFS oo maanta ka qeybgalay Isxilqaan+sawirro

Next Post
Maamulka&Shaqaalah Wasaarada Boostada XFS oo maanta ka qeybgalay Isxilqaan+sawirro

Maamulka&Shaqaalah Wasaarada Boostada XFS oo maanta ka qeybgalay Isxilqaan+sawirro

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In