Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo si rasmi ah u la wareegtay shir guddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo si rasmi ah u la wareegtay shir guddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War kooban oo ka soo baxay xafiiska Warfaafinta ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi u la wareegtay shir guddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta, kaddib shir ka dhacay magaalada Qaahira Arbacdii shalay.

 

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026

Warka ayaa intaas ku daraya in mudada ay Soomaaliya heyso shir guddoonka golaha wasiirada Jaamacadda Carabta la qorsheynayo in shirmadaxeedka golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta lagu qabto magaalada Muqdisho.

“Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeysaa shirguddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta, kulankiisa 151,aad, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay soo celinaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd dunida si shirarka iyo shir madaxeedyada loogu qabto Caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri warbixin kooban oo lagu qoray bogga Twitter ee xafiiska warfaafinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Muqdisho ayaa burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka dib waxa ay markii ugu horeysay marti gelisay shir madaxeedka IGAD  oo September 2016 lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ku howlan tahay xalinta khilaafka u dhexeeya Eritrea iyo Jabuuti sidoo kale  wasraadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo lagu soo celinayo booskii ay Soomaaliya ku laheyd dunida.

Tallaadabadaan ayaa qeyb ka ah horumarrada dowladda Soomaaliya ka sameeysay dhinaca diblumaasiyadda.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Haweenku waa tusaalaha nabada iyo hormarka” Dhageyso

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre “Inta aan anagu joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan  aqbali doonin in nala cabsiiyo”

Ra'iisul Wasaare Kheyre "Haweenku waa tusaalaha nabada iyo hormarka" Dhageyso

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho Afur Sharafeed ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In