Friday, September 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaadiidka XFS oo dhagax dhigay dhismaha Xaruntii hore ee debdamiska Garoonka Aadan Cadde “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 18, 2019
in Wararka
0
Wasiirka Gaadiidka XFS oo dhagax dhigay dhismaha Xaruntii hore ee debdamiska Garoonka Aadan Cadde “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dib u dhiska Xaruntii hore ee debdamiska garoonka Aadan Cadde ayaa ah mid baahiyo farabadan loo qabay, waxaana kor uu u qaadi doonaa Awoodda qaabilaadda culeeska diyaaradaha waa weyn inay si caadi ah uga soo degi karaan garoonka, iyadoo taasi laga duulayo ayuu maanta Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo lisa filipetto oo ah Xoghayaha Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa si wadajir ah u dhagax dhigeen Dib u dhis lagu sameyn doono Xaruuntaasi, waxaana qorshahu yahay in lagu soo gabagabeeyo Muddo lix bil ah.

 

Related posts

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025
Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025

Lisa Filipetto Xoghayaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa  waxa ay  sheegtay in dhinacyo badan ay ka taageeraan Dawladda Soomaaliya,  mashruucaanna uu wax badan ka qaban doono shaqada Culus ee u taalla garoonka  Diyaaradaha ee Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa kaga Mahadceliyay Xafiiska UNSOS sida ay uga aqbaleen in ay maalgaliyaan Mashruucaan, sidoo kale waxa uu sheegay in shaqada garoonka marba markii ka dambeysa ay sii kordheysa .

Dhinaca kale Munaasabad kooban oo lagu qabtay Gudaha Xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa waxaa loogu Magacdaray Allaha ha u naxariistee Marxuum Abuukar Maxamed Maxamuud oo loo yaqiinay Abuukar Cadaani oo ka mid ahaa 4 Shaqaale ka tirsan Maamulka Hawada Soomaaliya oo Sanadkii 2015 lagu dilay  agagaarka aargada isgooska nambar afar ee Magaalada Muqdisho, iyaddoo ay goob joog halkaasi ay ahaayeen qaar ka mid Qoyskiisa.

 

Previous Post

Shirka qiimeynta Waxqabadka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo maanta la soo gabogabeeyey “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa maanta ka hadlay guulaha...

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ayaa maaanta ka hortagay weerarro ay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab saakay waaberigii ku...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

September 12, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta,  Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley...

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

September 12, 2025
0

Maamulka Wasaaradda Beeraha XFS ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu soo bandhigaayey hal abuurka dhallinyarada  ee dhinaca wax soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In