Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamanka Carabta iyo OIC oo cambaareeyay qaraxyadii Shalay ka dhacay Muqdisho

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Baarlamanka Carabta iyo OIC oo cambaareeyay qaraxyadii Shalay ka dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baarlamaanka Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, Dowladaha Sacuudiga iyo Baxrayn ayaa si kulu u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Related posts

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta,Dr; Mishcal, bin Faham, Asalami, ayaa tacsi u diray , Madaxweynaha, Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliya, geeridii ku timid Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla, oo xubin hore ka ahaa Baarlamaanka Carabta, kaas oo ku dhintay qaraxii lala beegsaday wasaaradda Shaqada.

Wuxuuna guddoomiye, Mishcal Alle uga baryay in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo marxuumka, Ehelladii iyo qaraabadii u ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaa tacsi taa la mid ah u soo dir Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Dr; Yuusuf Bin Axmed Al-Cutheymiin, isagoo sheegay in Ururku uu cambaaraynayo falalka Argagixisanimada ah nooc walba oo ay yihiin, wuxuuna intaa raaciyay in OIC ay garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya, kuna taageereyso dagaalka ka dhanka Kooxaha xag-jirka ah.

Sidoo kale, Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Dowladda Baxrayn ayaa si kulul u cambaaraysay qaraxyadii isxig xigay ee shalay ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo galaaftay nolosha Dad maato ah aan waxba galabsan.

Masuโ€™uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa wakaaladda wararaka Sacuudiga u shaagay inay Xukuumadiisu cambaaraynayso falalka noocan ah ee argagixisinimada, wuxuu caddeeyay inuu Dalkiisu uga tacsiyadeynayo Xukuumadda Soomaaliya iyo ehelada marxuukumiintii ku geeriyootay qaraxyadaasi naf la caariga ah.

Wuxuuna sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay ka soo horjeedo nooc kasta oo fal argagixiso ah, isagoo u rajeeyay Dadkii ku dhaawacmay falalkaasi inuu Eebbe bogsiiyo kuwii ku dhintayna Janadiisa ka waraabiyo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ย Dalka Baxreyn, ย bayaan ay soo saartay ayaa waxay ugu tacsiyeysay Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda Dadkii ay waxyeellada kasoo gaadhay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, iyadoo u rajeysay in dhaawacyada uu Alle siiyo Caafimaad dhammaystiran.

Waxanay Boqortooyada Dalka Baxrayn sheegtay in ay garab taagan tahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya la dagaallanka iyo falalka Argagixisada nooc walba oo ay yihiin.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Akhriso: Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland

Next Post
Akhriso: Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland

Akhriso: Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

September 9, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

September 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In