Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo faray laamaha Amniga in Caddaaladda la horkeeno Askari dilay Bajaajle

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Daah Furay Mashruuca Dhismaha Waddooyinka Xaafadaha Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025

Muqdisho April 01, 2019–Duqa Muqdisho ahna Guddomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa faray laamaha amniga in gacanta lagu soo dhigo askarigii dilka u geystay muwaadin Bajaajle ah, si caddaaladda loo horkeeno.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku tilmaamay wax laga naxo falkan foosha xun ee askari ka tirsan CiIdanka Ilaalada Deegaanka Xamar ee (Munishiibiyo) uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo nolol maalmeedkiisa raadsanayay.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in dilalka dhalinyarada Bajaajle-yaasha ah ay ku soo laalaabteen Muqdisho, dilkii ugu danbeeyey ee uu geysay shaqsiga ka tirsan CiIdanka Ilaalada deegaanka Xamarna uu Maamulka Gobolka Banaadir aad uga xumaaday qaadayana tallaabo walba oo caddaaladda lagu marsiinayo shaqsigii dilka geystay.

“Waxaan farayaa Hay’adaha Ammaanka in gacanta lagu soo dhigo shaqsigii ka danbeeyey dilka darawalka Bajaajlaha ahaa, si caddaaladda loo horkeeno, Maamulka Gobolka Banaadirna waxaa ka go’an in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid walba oo ku xadgudbaysa dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada ku shaqaysa Bajaajka oo dilalkoodu soo noq-noqday”.

Duqa Muqdisho ayaa tacsi u diray ehellada dadka uu ka geeriyooday wiilkii waday Mooto Bajaajka, isagoo u caddeeyey in Maamulka Gobolka Banaadir uu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Caasimadda, shaqsigii dilka geystayna caddaaladda la horkeeni doono.

—DHAMMAAD—

Previous Post

Guddiga wasiirada ee loo xil saaray qorshaha amniga caasimadda oo xalay kulan ku yeeshay degmada Wadajir

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir “Sawirro”

Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Wadajir “Sawirro”

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir "Sawirro"

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In