Monday, December 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska booliska oo faah faahin ka bixiyay howlgallo lagu soo qabtay Al-Shabaab “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Taliska booliska oo faah faahin ka bixiyay howlgallo lagu soo qabtay Al-Shabaab “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay xarunta Taliska ciidanka booliska ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay saddexdii maalin ee la soo dhaafay caasimadda ka sameeyeen howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.

 

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

“Saddexdii maalin ee la soo dhaafay ciidamada booliska waxa ay caasimadda ka wadeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, kuwaasi oo laga fuliyay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, waana howlgallo sii socon doono, intii howlgalladan socdeen waxaa lagu soo qabtay dad looga shakisanyahay inay la shaqeyaan argagixisada”Ayay tiri Zakiya oo hadalkeeda ku dartay in ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigeen dhagar qabe ka tirsan Al-Shabaab oo dil u geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa tilmaamtay in howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ay qeyb ka tahay qorshe balaaran oo lagu sugayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

“Ciidamada howlgallada ka wada caasimadda waxaa la faray inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed oo ah kuwa ay u taaganyihiin sugidda ammaankooda, waxaana shacabka uga mahadcelineynaa dulqaadka ay muujiyeen” ayay tiri Zakiya.

Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa ka tacsiyadeysay dil maanta Muqdisho loogu geystay mid ka mid ah wadayaasha mootada Bajaajta loo yaqaan oo askari ka tirsan ciidanka minishiiibiyada uu ku dilay Muqdisho, waxaana ay intaa ku dartay in maxkamad lala tiigsan doono askariga falka dilka ah geystay.

 

 

Previous Post

Ciidanka Xoogga oo la wareegay deegaanka Sabiib ee G/SH/Hoose

Next Post

Wasiirka Difaaca ee dalka oo la kulmay saraakiil ka socotay Midowga Yurub “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Difaaca ee dalka oo la kulmay saraakiil ka socotay Midowga Yurub “SAWIRRO”

Wasiirka Difaaca ee dalka oo la kulmay saraakiil ka socotay Midowga Yurub "SAWIRRO"

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In