Tuesday, March 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga oo sii fidiya.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga oo sii fidiya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tan iyo intii uu Dalka Soomaaliya galay xaaladda bur-burka sanadkii 1991-kii, waxaa uu Paasaboorku ka mid ahaa waxyaabaha uu bur-burku saameyn ku yeeshay, waayo waa aqonsiga qofka, islamarkaana waxa uu ka mid yahay waxyaabaha lagu aqoonsado Jinsiyadda qofka, uuna ku kala safri karo dunida meesha uu doono, balse muddooyin badan ayaa la waayay waxa ay Soomaalidu ku safarto, iyadoo uu Caalamku diiday aqoonsiga Baasaboorka cusub ee Soomaliya.

 

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026

Balse nasiib wanaag waayahaan dambe waxaa la waday dadaallo sidii loo aqoonsan lahaa Paasaboorka cusub oo ay Soomaaliya yeelatay, sidaasi awgeed ayay shalay la shaaciyay in Wadamada Belgium-ka iyo Luxembourg ay si rasmi ah u aqoonsadeen baasaboorka Soomaaliga ah gaar ahaan baasaboorada dublamaasiga iyo kan shaqada,.

Aqoonsigan Dowladaha ee baasaboorada dublamaasiga iyo kan shaqada ayaa waxaa si wadajir ah ay uga shaqeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

Arrintan ayaa waxaa shaacisay Safaarada dowladda Belgium ay ku leedahay Dalka Kenya ,iyadoo sheegtay inay ku faraxsan tahay tallaabada ay ku aqoonsatay baasaboorka cusub ee Soomaaliya.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Maxamed Aaden Koofi ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku howlanaa dadaalo la xiriira sidii Baasaboorka Soomaaliga loo horumarin lahaa, isla markaana loo heli lahaa aqoonsi caalami ah, waxaana horay u aqoonsaday dalal Badan
Laba ka mid ah wadamada Qaarada Yurub aya waxaa ay sirasmi ah ugu dhawaaqeen inay Aqoonsadeen baasaboorka Dalka Soomaaliya, kaas oo tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dalka dalal yar laga qoonsanaa.

Dalalka ku dhawaaqay inay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Wadamada Belgium-ka iyo Luxembourg,kuwaas oo hadda kadib lagu tegi karo Baasaboorka Soomaaliya, iyadoo arrintaan sida la sheegay ay siwadajir ah ay uga shaqeeyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Labadaan wadan ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan oo dhibaato ku qabay arrimaha baasaboorka iyo Socaalka,hasayeeshee tan ay wax walba u fududeyneyso.

Horay ayaa waxaa Baasaboorka Soomaaliya u aqoonsaday Wadamo badan oo uu ka mid yihiin dalka Norway, Faransiis iyo Talyaaniga, waxaana dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay inay dadaal u galeyso sidii wadamada Qaarada Yurub u aqoonsan lahaayeen, islmarkaana ay ku sii fidiso dunida inteeda kale.

W.D.C/laahi Ruush

Previous Post

War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Wasaaradaha Waxbarashada Heer Faderaal iyo Goboleed

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo la Wareegay Deegaanka Baladul Amiin

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo la Wareegay Deegaanka Baladul Amiin

Ciidanka Xoogga Dalka oo la Wareegay Deegaanka Baladul Amiin

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

March 3, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In