Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Booliska oo shaaciyay iney gacanta ku dhigeen keydkii ugu weynaa Hubka Maleeshiyaadka argagixisada Al-shaab+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Taliska Booliska oo shaaciyay iney gacanta ku dhigeen keydkii ugu weynaa Hubka Maleeshiyaadka argagixisada Al-shaab+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in howlagaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay duleedka Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose lagu soo qabtay hub iyo waxyaabaha qarxa.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

Jen. Zakiya oo xalay shir jaraa’id ku qabatay Xarunta Booliska ayaa sheegtay in deegaanka Ceelasha Biyaha lagu qabtay hub fara badan, sida bambooyin, miinooyin, suumanka qaraxyada iyo agabyo kale oo lagu aasay god ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha.

Waxaa ay sheegtay inuu ahaa keydkii ugu weynaa ee hubka maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab ay laheyd oo lagu qabto duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Taliye kuxigeenka Booliska ayaa sheegtay in illaa 35 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab laga soo qabtay degmada Afgooye, halka 14 kalena laga soo qabtay deegaanka Sabiid ee duleedka Afgooye.

Ugu dambeyn Holwgalada ayay sheegtay inay sii socon doonaan, isla markaana  Maleeshiyaadka naflacaariga Al-shabaab looga daba tegi doono meel walba oo ay galaan, si dalka looga ciribtiro cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Tubaha Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Oo Dhidibada Loo Taagay+Sawirro

Next Post
Tubaha Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Oo Dhidibada Loo Taagay+Sawirro

Tubaha Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Oo Dhidibada Loo Taagay+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In