Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir Hay’adaha Dastuurka Uga Furmay Kismaayo+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Shir Hay’adaha Dastuurka Uga Furmay Kismaayo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magalada kismaayo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubbaland ka furmay shir u dhexeeya hay’adaha Dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed kaas oo looga tashan doono sidii bulshada ku dhaqan dowlad goboleedyada ay uga talo dhiiban lahaayeen cutubyada Dib-u-Eegista lagu sameeyay ee Dastuurka.

 

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026

Shirkan waxaa ka qayb galaya Hay’adaha u xilsaaran Dib-U-Eegista Dastuurka oo kala ah wasaaradda arrimaha Dastuurka XFS, Guddiga Lasocodka Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-Eegista Iyo Hirgelinta Dastuurka, Wasarradaha Dastuurka Dowlad goboleedyada iyo Guddiyada Dastuurka iyo Guddonada baarlamaanada Dowlad goboleedyada.

Shirkaan oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista dastuurka ayaa hadallo furitaana waxaa ka jeediyay madaxdii ka soo qayb gashay oo isugu jiray xildhibaanno iyo wasiiro heer federal iyo Heer dowlad goboleed.

Ugu horrayn, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulanka furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in maanta loo fadhiyo dan soomaaliyeed islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in bulshada qaybaheeda kala duwan ay ka qayb qaataan dib-u-eegista dastuurka, waxa uu tilmaamay in shirkan uu hordhc u yahay shirar latashi ah oo lagu qaban doono dhammaan dowlad goboleedyada, waxaa uuna ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada in ay u diyaar garoobaan wafuudda u imaan doonta si loogala tashado bulshada degan deeganadooda arrimaha dib-u-eegista dastuurka.

Dhanka kale, gudoomiyaha guddiga la socodka Dib-u-eegista dastuurka ee Baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyadu ay ka shaqeeyaan sidii dastuurkan loo dhamaytiri lahaa isla markaana ay doorkoooda ka qaataan maadaama dastuurku yahay waxa kala haga dadka. Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Muumino Sheikh Cumar ayaa dhankeeda ka hadashay cutubyada ay ka soo shaqeeyeen maadama ay yihiin guddigii qorayay dastuurka iyadoo sheegtay in hadda ay diyaar yihiin 10 cutub isla markaana si wada jir ah ay latashi ula samayn doonaan dhammaan dadka ku nool dowlad goboleedyada.

Ugu dambayn, Madaxwaynaha Dowlad goboloeedka Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam ayaa furay shirka wada tashiga ah ee u dhexeeya Hay’adaha dastuurka Heer federal iyo Heer Dowlad goboleed waxa uuna sheegay in ka jubbaland ahaan ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan dibu-eegista dastuurka. Waxa uu sidoo kale xusay in dalku uu u baahanyahay dastuur kala haga si looga fogaado isqabqasiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shirka ayaa ah mid hordhac u ah kulamo latashi ah oo lagu qaban doono dowlad goboleedyada si bulshada ay talooyinkooda ugu darsadaan Dib-u-eegista Dastuurka.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xoghayihii amniga gudaha Mareynkanka oo is casishay

Next Post
Xoghayihii amniga gudaha Mareynkanka oo is casishay

Xoghayihii amniga gudaha Mareynkanka oo is casishay

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

February 2, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir,...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

February 2, 2026
0

Magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In