Tuesday, March 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo furay shirka Golayaasha sharci dejinta Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo furay shirka Golayaasha sharci dejinta Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Golaha Afhayeenada Golayaasha sharci dejinta Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo oo soo dhoweeyay Wafuudda shirka ka qeyb galeysa.

 

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele Sheekh Cusmaan Barre oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa soo dhoweeyay shirkan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  oo shirka si rasmi ah u furay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in golayaasha xeer dejinta dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay la yimaadaan hannaan la isaga warqabi karo heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed, Dowlad goboleedka puntlana uu sheegay in looga baahanyahay in ay si gaar ah arrintaas xil isaga saarto.

Gudddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in golaha shacabka ay mas’uuliyad ka saarantahay sidii shuruucda dalka loo dejinayo ay u noqon laheyd kuwo laga talo geliyo golayaasha xeer dejinta Dowlad Goboleedyada, Sidoo kale arrinta dib u eegista Dastuurka ayuu sheegay in cutub  walba oo dastuurka ah loo baahanyahay in ay talo ku yeeshaan Dowlad Goboleedyada.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Golaha Shacabka ay ka go’antahay in la sii xoojiyo, lana dar dar geliyo wada shaqeynta iyo iskaashiga golayaasha xeer dejinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, muhiimna ay tahay in kulamada noocaan ah la joogteeyo.

Dhinaca kale wafuuda shirkan ka qeyb galeysa ayaa kormeer howleed maanta ku tagay Xarumaha qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Puntland oo ay qeyb qeyb u kormeereen iyo sidoo kale Xarunta golaha wakiilada ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxayna kulan la qaateen Guddoonka Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland.

Previous Post

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay Iskaashi Ciidamada iyo Amniga

Next Post

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Guddoomiyay Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay “SAWIRRO”

Next Post
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Guddoomiyay Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay “SAWIRRO”

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Guddoomiyay Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay "SAWIRRO"

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Dhaxal-sugaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwayt...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo howlgal qorsheysan ku dilay Horjooge ka tirsan Khawaarijta

March 2, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo 125 Booyadood oo Biyo ah Ku Wareejiyay Guddiga Gurmad Abaaraha Degmada Wisil

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo 125 Booyadood oo Biyo ah Ku Wareejiyay Guddiga Gurmad Abaaraha Degmada Wisil

March 2, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Galmudug, ayaa maalintii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In