Wednesday, June 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska dib u howlgelinta Iskuulka 15 May oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Xuska dib u howlgelinta Iskuulka 15 May oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee 15-May oo ka mid ah Iskuulada taariikhiga ah ee ku yaala  dalka gaar ahaan caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasbad loogu dabaal dagayo hal sano guuradii kasoo wareegtay dib u hoolgalinta Iskuulka 15-May.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) oo daah-furay sanad guurada dugsiga sare ee 15-ka May ayaa waxa uu kormeeray  fasalada kala duwan oo ay wax ku bartaan ardayda, iyadoo ay xusid mudan tahay in ardaydu si bilaash ah wax loo baro.

Fasalada uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kormeeray ayaa ka mid ah kuwa lagu qaato casharada la xariira farsamada gacanta iyo sidoo kale ciyaarta karatayga si loo horumariyo xirfadaha ardayda.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab Maxamuud Warsame (Xaabseey) oo ugu horeyn ka hadashay munaasabadda sanad guurada dugsiga 15.May ayaa sheegtay  inay tahay wax lagu farxo in maanta la xusayo dib u howlgelinta Iskuulka.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka Drs Aamina Siciid Cali waxa ay tilmaamaytay in carruurta Soomaaliyeed ay mudanyihiin daryeel iyo in ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah, maadaamada ay yihiin mustaqbal dalka.

Guuddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti  ayaa ka hadashay doorka waxbarasho ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa sheegay in maamulkiisa uu xoojin doono dhiiragalinta waxbarashada iyo in ay bulshada helaan waxbarasho lacag la’aan ah.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare oo akhrinta 1aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Federation-ka Ethiopia “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Federation-ka Ethiopia “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Federation-ka Ethiopia "SAWIRRO"

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In