Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senenator Cabdi Xaashi iyo wafdigiisa ku sugan magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ayaa waxa ay shir gaar ah la qaateen Guddoomiyaha Golaha Federationka (Aqalka Sare) Dalka Itoobiya Marwo Keria Ibrahim.
Labada dhinac waxa ay adkeeyeen in ay muhiim tahay in xiriir wada shaqayn iyo aqoon is waydaarsi ay wada yeeshaan labada Gole. Guddoomiyaha wuxuu u fidiyey casumaad Guddoonka Baarlamaanka Ethiopia inay ku yimaadaan Soomaaliya, kaas oo ay aqbashay, dibna xiriir ka soo samaynayso waqtiga ugu haboon.