Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS “Waxaan leenahay Hal Cadow oo ah Al-Shabaab”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Tacsi u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hooyadiis ay geeriyootay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dadweyne badan kula hadlayay maanta xarunta Degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho, ayaa sheega Cadowga kaliya ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed inuu yahay Argagixisada Al-Shabaab oo doonaysa in maalin kasta ay daadiyaan Dhiiga Shacabka Soomaaliyeed.

 

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

Madaxweynaha ayaa sheegay ciidammada amniga inay u taaganyihiin saacad kasta badbaadinta iyo sidii ay kaga difaaci lahaayeen maleeshiyaadka Arxanka daran ee  Argagixisada Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya in dowladdu aysan aqbalayn in Cadowgu uu ku soo dhex dhuunto shacabka Soomaaliyeed si ay u abuuraan xasilooni daro.

Dhanka kale Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay labo dhalinyaro oo maanta ciidammada  amniga ay ku dileen degmada Howlwadeeg, isagoo ehelada labada Marxuum alle uga baryaya inuu janadii fardowso ka waraabiyo.

“Ninkii ciidan ah oo sharciga aanan ilaalin, oo aanan ilaalin xuquuqda Shacabka, Sharciga ayuu hortagi wixii uu shaqaystay ayuuna leeyahay, meel kasta uu tagana waan soo qabanaynaa.” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ugu danbayntii Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ciidammadu aysan sinayn laakiin ay jiraan ciidammo badan oo u taagan difaaca sharafta shacabka iyo dalka, loona baahanyahay in la gacan siiyo.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ku-xigeenka Xog-hayaha Difaaca Mareykanka+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo “Ma ogolaanayno in wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed lagu ciyaaro nolashooda iyo mustaqbalkooda”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Ma ogolaanayno in wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed lagu ciyaaro nolashooda iyo mustaqbalkooda”

Madaxweyne Farmaajo "Ma ogolaanayno in wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed lagu ciyaaro nolashooda iyo mustaqbalkooda"

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In