Tuesday, March 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Amniga Caasimadda oo Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlay sugidda Amniga

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Guddiga Amniga Caasimadda oo Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlay sugidda Amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shirka amiga oo looga hadlay xaaladda amniga ee dalka gaar ahaan adkaynta amniga caasimadda.

Shirka amniga oo ay ka qayb galeen guddiga loo xil saaray sugidda amniga caasimadda ayaa looga hadlay mudaaharaadkii ka dhacay caasimadda dalka.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka war bixiyay natiijada shirka ayaa sheegay in la isla gartay in bulshada Soomaaliyeed ay muujin karaan shucuurtooda oo ay la xisaabtami karaan dawladda si nabad ah.

Related posts

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

March 3, 2026

Waxa uu sheegay Guddoomiye Yariisoow in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay mudaaharaaydadii shalay dhacay iyo fal-dembiyeedyadii ka dhashay, Sharcigana la hor gayn doono, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid sharciga ka wayn, askariga kasta oo ka tirsan ciidamada amniga ee dhib u gaysta mawaadin Soomaaliyeedna sharciga la marsiin doono.

Guddiga u xil saaran amniga caasimadda ayaa shirkooda  ku caddeeyay in bajaajlaydu ay qayb muhiim ka yihiin bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, dawladduna ay si dhaw ula shaqaynayso oo ay dhiirri gelisyo, guddiga amniguna ay la kulmayaan guddi ka socda bajaajlayda si loo dardar geliyo wadashaqaynta, ayana sidoo kale jiri doonaan kulamo joogta ah.

Guddiga amniga ayaa ka digay in la sameeyo mudaaharaadyo rabshado wata ayna mamnuuc tahay in magaca bajaajlayda ay isticmaalaan shaqsiyaad doonaya in amniga ay carqaladeeyaan, oo qalalaase geliyaan caasimadda dalka.

Guddiga amniga ayaa Shacabka ka codsaday in laamaha amniga iyo maamulka gobalka ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo hagaajinta bilicda caasimadda.

Previous Post

Howlgal ay siwada jir ah u fuliyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda oo lagu dilay Horjooge Daacish ah

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadlaya Nabadda iyo Bulshada

Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadlaya Nabadda iyo Bulshada

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadlaya Nabadda iyo Bulshada

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

March 3, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha....

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Dhaxal-sugaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwayt...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In