Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Gudigga Xuduudaha iyo Federaalka oo shir wadatashi ah qabtay+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Muqdisho ku qabsoomay shirka wadatashiga ee lagu turxaan bixinayo is waafajinta xulushada qaabeynta Dowlad Goboleedyada iyo qodobka 49aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah, waxaana shirka si wadajir ah u qabtay Wasaaradda Arrimaha Dasturka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Qaranka.

Shirka oo uu furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Gudigga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, masuuliyiin ka kala socotay Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha iyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha.

Ugu horeeyn Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Mudane Khaliif Cabdikariin Maxamed oo shirka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda sida dhow ay u wadashaqeeyaan isagoo sheegay in shirkan uu muhiim u yahay qaranka.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo shirka furay ayaa sheegay inay ka go’antahay la shaqeeynta hay’adaha dowladda ee ay shaqada ka dhaxeeyso.

“Waxaa farxad ii ah anigoo dhawaan la wareegay shaqada Wasaaradda inaan maanta ka soo qaybgalo kulan howleedkan, waxaa naga go’an ka miro-dhalinta dib-u-eegista Dastuurka taasina waxay ku imaaneysaa inaan wadashaqeyn wanaagsan la yeelano dhamaan Gudiyada iyo hay’adaha dowladda” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, waxaa shirkan inta uu socdo looga doodi doonaa is waafajinta xulushada qaabaynta Dowlad Goboleedyada iyo qodobka 49aad ee Dastuurka.

Previous Post

Maxkamadda Gobolka banaadir oo u fadhiisatay Dacwada Dilkii Marxuum Axmed Dowle (Sawirro)

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ay Tababartay Dawladda Turkiga+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ay Tababartay Dawladda Turkiga+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ay Tababartay Dawladda Turkiga+Sawirro

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In