Tuesday, June 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo kala arrinsadey Bulshada D.Dharkinley Amniga iyo Horumarka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo kala arrinsadey Bulshada D.Dharkinley Amniga iyo Horumarka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) oo la kulmay bulshada degmada Dharkinley ayaa sheegay in la dardargelinayo qrosheyaasha lagu xoojinayo horumarka, dariseynta iyo bilicda degmada.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Guddoomiyaha ayaa ku dhiirigeliyey bulshada ku dhaqan degmada Dharkinley sida ay ugu mideysan yihiin horumarka iyo ka shaqeynta danta guud, kaalinna ay uga qaadan lahaayeen barnaamijka isxilqaan ee muhiimka u ah dib-u-dhiska Caaasimadda.

Eng.Yarisow ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay doorka ay ka qaadanayaan shacabku sugidda amniga iyo ka hortagga falalka gurracan ee argagixisadu ay u maleegayaan muwaadiniinta, iyadoo wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga ay horseeday in gacanta lagu soo dhigo dhagarqabayaal shirqoolo u maleegayay shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray Maamulka Cusub ee dhowaan loo soo magacaabay Degmada Dharkinley kor u qaadidda bilicda degmada, xaqiijinta qorsheyaasha horumarineed iyo ilaalinta fayo dhowrka.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa u rajeeyey Maamulka cusub ee degmada Dharkinley in ay ku guuleystaan shaqooyinka baxaadda weyn ee horyaalla, isagoona xusuusiyey in si dhow loogu la xisaabtami doono masuuliyadda loo igmaday.

Previous Post

Guddoomiye Mursal oo sheegay in Baarlamaanka ay horyaalaan Howlo badan Kalfadhigan Shanaad

Next Post

Dowladda Mareykanka ka shakisan in muuqaal abeen abuur ah soo dhuubeen Kooxda Daacish

Next Post
Dowladda Mareykanka oo shaacisay inay dib u bilaabeyso howlihii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ka shakisan in muuqaal abeen abuur ah soo dhuubeen Kooxda Daacish

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In