Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS oo maanta yeeshay kulankooda 13-aad ee kalfadhiga shanaad ,waxa ugu horeyn kusimaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ uu ka tacsiyadeeyay geeridii Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf ‘’Cabdi waraabe’’ oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Intaasi ka dib waxa ay xildhibaanada Akhrinta 1-aad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Dakhliga oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda,waxaana golaha u akhriyay Wasiirka Maaliyadda Dalka Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.
Dhinaca kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka waxa ay Akhrinta sedaxaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Shirkadaha ,waxaana xildhibaanadda u faah faahiyay Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene beene oo ah guddoomiyaha guddiga Ganacsiga,Dhaqaalaha,Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka.
Xildhibaanadda ayaa cod geliyay Hindise sharciyeedka Shirkadaha ,waxaana haa ku ogolaatay 142-Xildhibaana oo aheyd tirada guud ee xildhibaanada kulanka joogay sida uu natiijada ku dhawaaqay kusimaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ oo kulanka soo xiray.