Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Shibis oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka kadib markii ay soo xaadiri weysay Garoowe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa lixaad ee wareegga koowaad qorshuhu ahaa inay ku tartamaan Degmooyinka Shibis iyo Garoowe oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Nugaal.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sida uu sharciga tartanka qabo degmo kasta waxaa laga rabaa waqtiga tartanka 30 daqiiqo kahor inay ku diyaar garoobaan goobta ay ku tartamayaan, balse Garoowe ayaan soo xaadirin waqtigii sharciga dhigayay, iyadoo tartamayaasha Degmada Shibis ay waqtiga tartanka xaadir ku ahaayeen goobtooda.

Tartamayaasha Degmada Shibis ayaa wareegga labaad ee tartanka si toos ah ugu soo gudbay caawa, kadib markii ay soo xaadiri weysay Garoowe sida ay ku dhawaaqeen guddiga tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka.

Sanadkii tegay ayay ahayd markii tartamayaasha Shibis ay sidaan oo kale ugu soo gudbeen wareegga labaad ee tartanka kaddib markii ay soo xaadiri waayeen dhigooda Jowhar.

Habeen dambe oo ah habeenka 7aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka C/casiis iyo Shangaani oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Previous Post

Howlgal Miinooyin looga saarayey inta u dhaxeysa Bariire iyo Lambar 50 oo la soo gaba-gabeeyay “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kulan Dhiira gelin ah la qaatay Ciyaartooyda Naadiga Horseed’’Sawirro’’

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kulan Dhiira gelin ah la qaatay Ciyaartooyda Naadiga Horseed’’Sawirro’’

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kulan Dhiira gelin ah la qaatay Ciyaartooyda Naadiga Horseed’’Sawirro’’

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In