Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Qaranka Dr Nuur Diiriye Fuursade, isagoo ugu hambalyeeyay Xilka cusub ee loo igmaday.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Agaasime Dr Nuur uu ku yaqaano firfircooni shaqo uuna rajeynayo in uu kasoo dhalaali doono shaqooyinka adag ee horyaala.
Dhankiisa Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Dr Nuur Diiriye Fuursade ayaa uga mahad naqay soodhoweynta wanaagsan iyo talooyinka wax ku oolka ah ee Guddoonka Aqalka ay sida wadajirka ah ula wadaageen isagoona rajeeyay in la sii joogteeyo xiriirka wada shaqeyneed.
Waxaa kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare ku wehliyay Ku-xigeenkiisa Koowaad Mudane Abshir Maxamed Axmed halka Agaasimaha Madaxtooyada ay ku wehliyeen Abuukaate Kayse Cartan iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo ka mid ah lataliyeyaasha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka ayaa kusoo gebogaboobay is faham iyo in la dardargaliyo shaqooyinka qaran.