Tuesday, August 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Kismaayo oo markii 2aad oo xiriir ah u soo gudbay kama dambeysta (finalka) tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 31, 2019
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Sideed iyo labaatanaad ee wareegga Afar dhamaadka (Semifinal) ku tartamay Degmooyinka Kismaayo iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Sanaag, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo iyo Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan,maadaama lagu guda jiro wareegga afar dhamaadka ee tartanla, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Dhahar

Tartameyaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhahar ay heleen waxay noqotay  Afar (4) dhibcood.

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Dhahar, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 28-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga kama dambeysta ah (Final) u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waana markii labaad oo xiriir ah oo ay Kismaayo timaado Finalka, maadaama ay tahay tartamaayasha difaacanaya tartanka, waxaana tartamayaasha labada degmo ay isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 29-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Xamar Jajab iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, iyadoo degmadii soo baxda ay kulanka kama dambeysta ah la loola midoonaan dhigooda Kismaayo oo caawa u soo gudubtay finalka tartanka.

 

Previous Post

James Swan oo loo magacaabay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay kulan degdeg ah oo uu Boqorka Sucuudi isugu yeeray dalalka Jaamacadda Carabta”Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay kulan degdeg ah oo uu Boqorka Sucuudi isugu yeeray dalalka Jaamacadda Carabta”Sawirro”

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay kulan degdeg ah oo uu Boqorka Sucuudi isugu yeeray dalalka Jaamacadda Carabta”Sawirro”

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa raadinaysaa shirkado dhismo oo ka qeyb qaata dhismaha Xarunta Hawlaha gurmadka Degdeg ah...

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
0

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta...

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

August 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

August 18, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In