Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaabiis lagu bilaabay Xabsiga Guud ee Xamar (Maqaal)

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Maxaabiis lagu bilaabay Xabsiga Guud ee Xamar (Maqaal)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xabsiga dhexe Xamar waa Xabsiga ugu faca weyn ee la jira Dalka Soomaaliya, waxaa la dhisay Xilligii Isticmaarka ama Gumeysiga eek u aadaneyd sanadkii 1952-kii, waxaana markaasi lagu xiri jiray Askarta Gumeysiga kadib ayaa laga dhigay in lagu xiro dadka ka soo horjeeda gumeysiga, kuwaasi oo markaasi ka bilaabay Magaalada Muqdisho dhaq-dhaqaaq Xorrnimo doon, waxaana hormuud u ahaa Ururkii Caan baxay ee ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

Balse markii la bur-buriyay Xukuumaddii Siyaad Barre 1991-kii, ma jirin adeeg Maxaabiiseed, waxaase dib loo bilaabay in lagu xiro Maxaabiis laga soo bilaabo markii ay bilowdeen Xukuumadihii Ku-meel-gaarka aha, waxaase si rasmi ah loo sameeyay markii laga bacxay Ku-meel-gaarnimada.

Related posts

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026

Tan iyo markii dib loo furay Xabsiga dhexe ee Xamar, ayaa waxa laga hirgaliyay isbedalo dhinaca nolosha maxaabiista ah, kaddib markii loo sameeyay sariiro ay ku seexdaan, iyadoo maxbuus kastaa uu helay firaash iyo sariir, Sidoo kale waa markii ugu horeeysay xabsiga qolalkiisa qaar lagu rakibay Telifishino ay maxaabiistu kala socanayaan waxa adduunka ka dhacaya, iyagoo si gaara maxabiistu ay u daawadaan ciyaaraha dibada iyo kuwa gudaha, waxaase ka jiray inuu Xabsigu ahaa mid Qadiim ah, loona baahnaa in dib loo dhiso ama loo hirgaliyo dhisme Xabsi cusub, taasina ayaa keentay in la lag furo Duleedka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho Xabsi loo bixiyay Xabsiga ee Guud ee Xamar, halka midkii hore la yiraah xabsiga Dhexe.

Xabsiga Guud ee Xamar waxaa la furay 23-kii Febraayo ee sanadkan, waxaana Xariga ka jaray Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

58 Maxbiistaan oo horey ugu xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa loo wareejiyay Xabsiga guud ee Duleedka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho si, inta oga dhiman xukunkooda halkaasi ay ku dhameystaan, waana Xabsi si casriyeysan loo dhisay oo la jaad qaadi kara Xabsiyada Caalamka, wuxuuna ka mid yahay xabsiyada uga casireysan Qaarada Africa.

Sababta loogu wareejiyay ayaa ah Dhismaha Xabisga dhexe ee xamar ayaa ah mid Qadiim ah, Xabsiga dhexe ee Xamar oo muddo ciriiri & rafaad uu ku haystay maxaabiista ayaa hadda xal loo helay waxayna Maxaabniistu heli doonaan nafis, maadaama Maxaabiista dambiyadooda fudud yihiin lagu xiri doono Xabsiga cusub.

Wareejinta Maxbiistan ayaa ka dambeysay ka dib markii dawladda Soomaaliya ay dib u habeyn ballaaran ku sameysay Xabsiyada dalka, waxaana munaasabadda loogu geynayay Maxaabiista ka msoo qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac, Xeer Ilaaliayaha Guud ee Qaranka iyo marti sharaf kale.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan oo markii horeba la socday hananka dhismaha Xabsigaasi iyo muddada uu qaatay dhismaiisa ayaa sheegay in ay bilow u tahay hananka dib u habeenta Xabsiyada dalka.

Masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Ing Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, wuxuuna ballan qaday inuu dhigi doono Xabsiga shaashado ay kala socdaan Maxbiista hadba waxa ka socda gudaha Dalka Soomaaliya iyo daafaha dunida inteeda kale iyo in ay daawada ciyaaraha kala gedisan ee la dheelo Caalamka.

Taliyaasha Ciidamada Asluubta Booliska, Guddoomiyaha Gobolka banaadir iyo xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa waxa ay kormereen guud ahaan Qolalka iyo Xafiisyada uu ka kooban yahay iyo waliba baaxadda dhul ahaan ee uu ku fadhiyo Xabsiga guud ee Muqdisho.

Xabsiga guud oo la gaarsiiyay heerka xabsiyada Caalamka loona dhamaystiray adeegyada ay u baahanyihiin maxaabiista lagu xiro, una ogolaanaya xuquuqdooda aasaasiga ah, ayaa meesha ka saararaya dhibaatooyinkii maxaabiistu ku qabeen gudaha xabsiyada lagu xiro.

Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ahaaneed siisay hannaanka xabsiyada dalka loogu bedelayo gooba dhaqan celin, waxbarasho iyo toosin, si looga gudbo dhaqankii hore ee ahaa in xabsiyadu loo aqoonsado goob ciqaabeed, waxaana halbeegyada Wasaaradda Caddaaladdu ay ku leedahay Tubta Amniga iyo Caddaalada ka mid ah hagaajinta Xabsiyada dalka guud ahaan.

Haddaba Xabsiyadu ma aha inay noqdaan kuwo dadka lagu Ciqaabo balse waa in Maxaabiista loola dhaqmo si noloshooda lagu dhiso, lagu dhaqan celiyo, wax lagu baro maaddi iyo Diiniba, si ay marka dambe wax u tarto noloshooda marka ay ka soo baxaan Xabsiga.

W.D. C/laahi Ruush

Previous Post

AMISOM oo qalab lagu keydiya Cuntada ugu deeqday Ciidamada ammaanka Soomaaliya

Next Post

Kenya oo digniin kasoo saartay Cudurka Ebola

Next Post
Kenya oo digniin kasoo saartay Cudurka Ebola

Kenya oo digniin kasoo saartay Cudurka Ebola

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay wafdi...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026
0

Muqdisho — Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

July 27, 2026
0

Baydhabo — Hoggaamiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Dowlad...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay wakiillada ururrada siyaasadeed ee Galmudug

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay wakiillada ururrada siyaasadeed ee Galmudug

July 27, 2026
0

Dhuusamareeb — Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay tababar loo qabtay wakiillada ururrada siyaasadeed ee ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In