Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo 33 sanno kadib dib ula soo laabatay codkii ay ku lahayd Urur-waynaha Shaqada adduunka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
June 18, 2019
in Wararka
0
Soomaaliya oo 33 sanno kadib dib ula soo laabatay codkii ay ku lahayd Urur-waynaha Shaqada adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025

Soomaaliya oo muddo dheer xubin ka ahayd ururka shaqaalaha adduunka ayaa waxaa xayiraad ay ka saarneyd codaynta,balse hadda wuxuu dalka awood buuxa u leeyahay inuu tago goobaha wada-hadalka iyo shirarka caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka, halkaa oo uu cod ka dhiban karo.
Shirweynaha shaqada adduunka ee ka socda Geneva ayaa isku raacay in Soomaaliya loo ogolaado inay soo ceshato xuquuqdii ay u lahayd inay codayso,taasoo sidoo kalena ay u codeeyeen 191 xubnood,iyadoo arrintan uu si weyn usoo dhaweeyay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa.

“Arrintaan muddo ayaa laga shaqeynayay, muhiimad weyn ayayna u leedahay dalka inan dib u helno codkii aan ku lahayn ururka shaqaalaha adduunka ee xayiraadda naga saarnaa tan iyo markii dowladdii dhexe ay meesha ka baxday.” ayuu yiri wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Xirsi Warfaa oo magaalada Geneva kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka.

Wasiir Sadiiq Wafaa, ayaa muujiyay siyaasadda xukuumadda ee ku dhisan dib u gaajinta shaqaalaha iyo shaqa abuurka inay arrintan gacan-weyn ka geysan doonto, isagoo marka tilmaamay waxa ugu weyn ee uu dhiniciisa dadaalka galiyay inay ahayd sidii sannadkan loogu guuleysan lahaa dib u helidda codkii ay Soomaaliya ku lahayd ururka shaqaalaha adduunka.

“Si la mid ah dalalka xubnaha ka ah ee haddana codka leh ayaan tagi doonaa miiska wada-hadalka halkaa oo aan fursad u heleyno in codkeenna la dhageysanayo… run ahaantii waa guul weyn in 33 sanno ka dib ay arrintan suragal noqotay.” ayuu ku daray wasiir Warfaa.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, Sadiiq Warfaa ayaa dhinaca kala caddeeyay dowladda Soomaaliya sida ay uga go’antahay horumarinta shaqaalaha iyo sidii shaqooyin loogu heli lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka, isagoo marka tilmaamay inay waxyaabo badan ka dhax-li doonaan xayiraaddii laga qaaday codaynta ee ka saarnayd hay’adda shaqada adduunka ee ILO muddadii 33ka sanno ahayd ee la soo dhaafay.

SHARE
Previous Post

Dowladda Kenya oo xaqiijisay in cudurka Ebola usan ka dilaacin dalkeeda.

Next Post

Mareykanka oo faah fahiyay duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Next Post
Hor-jooge ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab iyo Ilaaladiisa oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jilib.

Mareykanka oo faah fahiyay duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In