Saturday, July 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Addis Ababa.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa.”

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Danab oo hawlgal burburin ah ka sameeyay Jubbada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Danab oo hawlgal burburin ah ka sameeyay Jubbada Dhexe

July 18, 2026
Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

July 18, 2026

“Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise waxa uu ahaa abwaan iyo jilaa Soomaaliyeed oo qayb libaax ka qaatay koboca fanka iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed. Abwaanku waxa uu sidoo kale noqday askari ka tirsan Ciidanka Xoogga oo naftiisa u huray difaaca qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

Abwaan Singub waxa lagu xasuustaa ruwaayadihii iyo heesihii waddaniga ahaa ee uu sameeyay kuwaas oo uu ku wacyigelin jiray shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Previous Post

Taariikh Nololeed Marxuum Abwaan Sangub

Next Post

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka oo la kulmay Danjireyaal fadhigoodu yahay Muqdisho”Sawirro”

Next Post
Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka oo la kulmay Danjireyaal fadhigoodu yahay Muqdisho”Sawirro”

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka oo la kulmay Danjireyaal fadhigoodu yahay Muqdisho”Sawirro”

Ciidanka Kumaandooska Danab oo hawlgal burburin ah ka sameeyay Jubbada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Danab oo hawlgal burburin ah ka sameeyay Jubbada Dhexe

July 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Jubbaland, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan...

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

July 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Cabdulqaadir Cilmi...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

July 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NEW YORK):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku aaddan hirgelinta ajendayaasha horumarineed ee Afrika iyo caalamka, iyadoo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
0

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRKII GAASHAANDHIGGA DALKA JABUUTI   Muqdisho, Luuliyo, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In