Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay Macadka Qorsheynta Dowladaha Carabta oo lagu soo gaba-gabeeyay Tunis “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay Macadka Qorsheynta Dowladaha Carabta oo lagu soo gaba-gabeeyay Tunis “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir looga hadlayay Macadka Qorsheynta Dowladaha Carabta ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Tunis ee Caasimadda Dalka Tunisia.

Shirkan oo Sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa diiradda lagu saaray qodobbo muhiim u ah horumarinta Wasaaradaha qorsheynta ee Dalalka Carabta.

Related posts

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Fahmo Axmed Nuur, oo shirkaasi ka qeyb gashay ayaa sheegtay in ay Dowladaha Carabta uga warbixisay howlaha adag ee Dalka ka socda.

Marwo; Fahmo, ayaa intaa ku dartay in ay si gaar ah diiradda u saartay gaar diyaarinta qorshaha Sagaalaad ee horumarinta Qaranka iyo hannaanka uu ku socda geedi socodka wada-tashiga iyo qoristiisa.

Sidoo kale Wasiir Fahma Maxamed Nuur,  ayaa ka hadashay xaaladda xilligan Soomaaliya ay taagan tahay iyo sidii loo Gacan qaban lahaa, dhinacyada sare u qaadista waxbarashada shaqaalaha iyo aqoon yahannada ka howlgala xarumaha Dowladda.

“Waxaan marka hore salaan diirran idinka wadaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan halkaan ka cadeeynaa in Soomaaliya dhibaato kala duwan ka dib hadda waxay mareysaa meel wanaagsan, waxay u baahan tahay Gacan siin oo ay ka mid tahay sidii kor loogu qaadi lahaa Khibradda Dhallinyaradda Soomaaliyeed ee ka midka ah hay’addaha Dowladda”ayay tiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda qorsheynta.

Madaxda joogtay shirka ayaa si weyn uga wada hadashay sidii loo tayayn lahaa Wasaaradaha qorsheynta Dowladaha Carabta iyo in tababarro loo fidiyo shaqaalaha.

Waxaa sidoo kale laysla gorfeeyay qorshaha Shanta Sano ee soo socda ee Machadka qosheynta, doorka waxbrashada kaadiriiinta iyo sidii loo xoojin lahaa,dar dar gelinta miisaniyadda Machadka.

Shirka Sanadkaan waxaa shir Gudoomiynayay Dowladda Suudan oo kalintinkeeda Sanadlaha ahaa, waxaana machadka qodobada kale ee ka soo baxay uga weynaa  in tababarrada Saddex Sano laga dhigay iyo sidii shaqaalaha ay tababar ku filan u qaadan lahaayeen,si ay u anfacaan Dalalka iyo hay’adaha Dowladaha soo dirsaday.

Machadka qorseynta  Dowladaha Carabta oo fadhigiisa yahay Dalka Kuwiet ayaa lagu tababaraa shaqaalaha Dowladdaha Carabta, sis are loogu qaado Khibradda iyo aqoonta ay ku shaqaynayaan.

W/D; Cabdirashiid Nuur Ibrahiim.

Previous Post

Cilmi-baaris la sameeyay oo lagu ogaaday in ay jiraan faa’iidooyin laga helo la hadlidda qof aadan horay u aqoonnin

Next Post

Shaqaaalaha Warbaahinta Qaranka oo loo soo gabo  gabeeyay tababar aqoon kororsi ah

Next Post
Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo la Abaal Mariyay “SAWIRRO”

Shaqaaalaha Warbaahinta Qaranka oo loo soo gabo  gabeeyay tababar aqoon kororsi ah

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In