Kooramka ama guntanka uu maanta ku furmay kulanka guud Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa uu ahaa 141-Xildhibaan, waxaana kulanka shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa ugu horeyn cod geliyay Sharciga Maareeynta Maaliyadda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda, kaasoo horey laba akhrin usoo maray, waxaana Codka Haa ku ogolaatay 135 Xildhibaan, 6-Xildhibaan ayaa diiday mana jirin Xildhibaan ka aamusay sida uu natiijada codeynta uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Guddoomiyaha Guddiga Maaliyada, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo Xisaabtanka Hayโadaha Dowladda ee golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraji ayaa Xildhibaanada Golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaaย sheegay in maadaamaa maalmihii lasoo dhaafay joogta noqotay Xildhibaanada kulamada golaha ka maqan, aan marnaba loo dul qaadan doonin Xildhibaan ka maqnaada kulamada golaha, isla markaana Xildhibaankii sabab laโaan maqnaada kulamada golaha ay la tiigsan doonaan Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.