Saturday, July 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada oo kala hadlay mas’uuliyiinta Jarmalka sidii dib loogu furi lahaa dugsiyada farsamada gacanta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada oo kala hadlay mas’uuliyiinta Jarmalka sidii dib loogu furi lahaa dugsiyada farsamada gacanta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Sadiiq Xersi Warfaa oo ku sugan magaalada Bonn ee dalka Jarmalka ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Federaalka Jarmalka oo uu hoggaaminayay Madaxa Bariga Africa ee Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Jarmalka,Niels Breyer.

Wasiir Sadiiq Warfaa iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Jarmalka oo uu qeyb ka ahaa u qeybsanaha Soomaaliya ee Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Jarmalka ayaa ka wada-hadlay sidii  Jarmalka uu uga caawin lahaa Soomaaliya dib u howlgallinta iskuulladii farsamada gacanta iyo  machadka SIDAM ee lagu tababbaro shaqaalaha, waxaa intaa dheer oo Wasiirka uu kala hadlay dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sidii loogu heli lahaa shaqo abuur.

Related posts

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

July 25, 2026
Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026

“Waxaan mas’uuliyiinta Jarmalka u sheegnay dadaallada socda iyo sida ay noogu go’antahay dhallinyarada inay shaqooyin helaan, waxaan u bandhiggay inay gacan naga siiyaan dugsiyada farsamada sidii dib loogu howlgelin lahaa arrinta oo Jarmalku uu horay uga caawin jiray Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa.

“Waxaa kalo aan u sheegnay shaqo abuurka inay u baahantahay shaqaalo xirfad leh, si taas loo gaarana inay gacan naga siiyaan dib u howlgalinta machadka SIDAM ee lagu tababbaro shaqaalaha.” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Shaqada.

Madaxa Bariga Africa ee Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka Dowladda Federaalka Jarmalka,Niels Breyer ayaa soo dhaweeyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta bulshada, isagoo ballanqaaday si dhow inay ula shaqeyn doonaan Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kalo uu rajo ka muujiyay si dhaqso ah inuu Jarmalka usoo celiyo doorkiisii ku aaddanaa taageerada uu dowladda Soomaaliya ka siin jiray horumarinta farsamada gacanta.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiiq Warfaa ayaa toddobaadkii u dambeeyay kullamo ku qaadanaya dalalka Switzerland iyo Jarmalka, isagoo magaalada Geneva kaga qaybgalay shir-weynaha shaqaalaha adduunka, waxaana muddo 33 sanno kaddib ay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay inay dib ula soo laabato codeyntii ay ku lahayd ururka shaqaalaha adduunka.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Maareynta Maaliyadda

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay guddi xaqiiqo raadin oo ka socda Koonfurgalbeed

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay guddi xaqiiqo raadin oo ka socda Koonfurgalbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay guddi xaqiiqo raadin oo ka socda Koonfurgalbeed

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

July 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga qalinjabiyay Akadeemiyadda Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha...

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
0

Wafdi uu Hoggaaninayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa socdaal ku maraya deegaano iyo...

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

July 24, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In