Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Cawad: Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay ka faaโ€™ideysato maashaariicda hurumarineed ee Shiinaha

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Cawad: Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay ka faaโ€™ideysato maashaariicda hurumarineed ee Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumada Federalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa u sheeegay Wakaaladda SONNA in dalka uu diyaar u yahay in uu ka faโ€™ideysto hindisaha hurumarineed ee kaabayaasha dhaqaalaha ee Madaxweynaha Shacbiga Shiinaha Xi Jinping kaasi oo Africa iyo dunida oo idil ka wada faaโ€™ideysanso.

Wasiirka ayaa dhigiisa dalka Shiinaha waxa uu la qaatay kulan laba geesood ah oo ku qotoma xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal iyo in Soomaaliya ay ka faaโ€™ideysato fursadaha jira ee dhanka mashaariicda hurumarineed, ganacsiga iyo wax-is-dhaafsiga.

Related posts

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

โ€œDawladda Soomaaliya waxa ay heshiis is af-garad ah kuna saabsan ku biirida hindisaha kabayasha dhaqaalaha la gashay dawladda Shiinaha sanadkii hore, 2018, waxana aan hadda u nimid ka dhabeynta heshiiskaas, waayo dawladaha Africa iyo adduunka oo dhan baa ka faaโ€™ideysanaya, kana faaโ€™ideyโ€, Wasiirka ayaa sidaa u sheegay SONNA.

Wasiirka ayaa rajo ka muujiyey in iskaashiga dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha uu gaaro level cusub oo dhanka iskaashiga, ganacsiga, sare u qaadida dhanka warshadaha iyo wax-is-dhaafsiga labada dad mud 3-sano gudahood, isaga oo rajo wanaagsan ka qaba, xusayna dhinacyada ay is ka kaashan karaan

โ€œWaxa aan sidoo kale ka faaโ€™ideynaa Shiinaha dhisida kaabayasha dhaqaalaha sida wadooyinka, dekadaha, eeraborada iyo sare u qaadida technology-yada, waxbarida dhalinyarada, u abuurada shaqo. Hurumarinta beeraha iyo kalluumaysigaโ€, ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa leh dhul beereed weyn, waxana ay sidoo kale leedahay xeebta uga dheer Africa waxana ay u baahan tahay suuq ay kheyraadkeeda u beec-gayso sida kan Shiinaha oo kale.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminaya ayaa ka qayb-galaya shir u dhaxeeya wasiirada arrimaha debbadda Africa iyo madaxda hayโ€™adaha maaliyada waddanka Shiinaha kaasi oo lagu daba-galayo hir-gelintii natiijada ka soo baxday shir madaxeed dalka Shiinaha iyo Africa ee ahaa iskaashiga labada dhinac loona yaqaan FOCOC

Waana shir soconaya laba beri sida uu ku soo waramayo Wariyaha SONNA ee caasimada Beijing, hawlaha shaqa u jooga kana qayb-galaya shirkaasi maanta oo talaado ah oo galay maalintiisa labaad.

By Mohamed Osman Abdi โ€œBlack Cobraโ€

E-mail:ย [email protected]

Beijing-China

Sawiro kale hoos kala eeg

Previous Post

Raโ€™iisul Wasaare Khayre Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

R/wasaare kuxigeenka Dalka oo qaabilay wafdi ka socda Talyaaniga

Next Post
R/wasaare kuxigeenka Dalka oo qaabilay wafdi ka socda Talyaaniga

R/wasaare kuxigeenka Dalka oo qaabilay wafdi ka socda Talyaaniga

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
0

Hayโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In