Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dagaal Khasaaro gaystay oo ka dhacay Jubbada Dhexe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Nabad diidka Al-Shabaab oo Degmada Xarar-dheere ku xiray Waxgarad kasoo horjeestay amarro ay soo saareen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dagaal Khasaaro gaystay oo u dhaxeeyay maleeshiyaad ka wada tirsan Argagixisada Al-Shabaab ayaa wuxuu ka dhacay degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe.

Dagaalkaan ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay mid ka mid ah dhagar qabayaasha Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Maleeshiyaad badan oo kale.

Related posts

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalkaan uu ka danbeeyay kaddib markii Argagixisadu ay isku qabsadeen lacag baad ah oo laga qaadayay Gawaari Rakaab iyo Xamuul isugu jiray oo taagnaa kontoroolka degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe.

Wararka ka imaanaya Jilib ayaa sheegaya in haatan xiisad wayn oo u dhaxaysa maleeshiyaadka ka wada tirsan Argagixisada Al-Shabaab ay ka taagantahay degmadaasi.

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ayaa dhowr mar oo hore sidaan ugu dagaalamay degmada Jilib iyo deegaanno kale, iyagoo iska laayay Horjoogayaal iyo Dhagar qabayaal badan oo isugu jiray Soomaaliya iyo kuwa Ajaanib ah.

Bartamihii sanadkii hore ee 2018-ka ayay ahayd markii Maleeshiyaad ka kala tirsan Daacish iyo Al-Shabaab ay sidaan oo kale ugu dagaalameen Degmada Jilib, iyadoo markii danbe maleeshiyaadka qabay fikradaha takfiiriga ah ee Daacish qaarna la laayay qaarna xabsiga la dhigay.

Arrimahaan oo dhan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ciidamada Qaranka ee sida gaarka ah u tababaran ee Soomajaystayaasha ah maalin iyo habeenba u taaganyihiin difaaca shacabka Soomaaliyeed, ayna u baabi’in lahaayeen Argagixisadaan ka been sheegaysa Diinta Islaamka.

 

Previous Post

Saraakiil ciidan oo booqday deegaanadii dhawaan laga xoreeyeey maleeshiyada Al-Shabaab ee Sh/Hoose “SAWIRRO”

Next Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Samaystay Guddi Dhaqaale Oo Isku-dhaf ah “SAWIRRO”

Next Post
Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Samaystay Guddi Dhaqaale Oo Isku-dhaf ah “SAWIRRO”

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Samaystay Guddi Dhaqaale Oo Isku-dhaf ah "SAWIRRO"

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In