Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wararkii ugu dambeeyey Maleeshiyaad Al Shabaab oo ku dagaalamay Jilib

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Beegsiga Horjoogayaasha Alshabaab Waa dabar Go’ooda.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab wali isku hor fadhiyaal halkaas kadib markii shalay ku dagaalameen degmada Jilib.

Dagaalka oo Saacado badan socday ayey isaga dileen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad badan, Wararku waxaa ay sheegayaan in ugu yaraan iska dileen 21 dagaalame iyo labo Horgeege sidda qaar kamid ah dadka deegaanka sheegeen.

Related posts

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalkaan uu ka danbeeyay kaddib markii Argagixisadu ay isku qabsadeen lacag baad ah oo laga qaadayay Gawaari Rakaab iyo Xamuul isugu jiray oo taagnaa kontoroolka degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe.

Wararka ka imaanaya Jilib ayaa sheegaya in haatan xiisad wayn oo u dhaxaysa maleeshiyaadka ka wada tirsan Argagixisada Al-Shabaab ay ka taagantahay degmadaasi.

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ayaa dhowr mar oo hore sidaan ugu dagaalamay degmada Jilib iyo deegaanno kale, iyagoo iska laayay Horjoogayaal iyo Dhagar qabayaal badan oo isugu jiray Soomaaliya iyo kuwa Ajaanib ah.

Bartamihii sanadkii hore ee 2018-ka ayay ahayd markii Maleeshiyaad ka kala tirsan Daacish iyo Al-Shabaab ay sidaan oo kale ugu dagaalameen Degmada Jilib, iyadoo markii danbe maleeshiyaadka qabay fikradaha takfiiriga ah ee Daacish qaarna la laayay qaarna xabsiga la dhigay.

Arrimahaan oo dhan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ciidamada Qaranka ee sida gaarka ah u tababaran ee Soomajaystayaasha ah maalin iyo habeenba u taaganyihiin difaaca shacabka Soomaaliyeed, ayna u baabi’in lahaayeen Argagixisadaan ka been sheegaysa Diinta Islaamka.

Previous Post

Ciidanka Liibiya oo falaagada Jan. Haftar ka qabsaday magaalo muhiim ah

Next Post

Baladweyne oo ka socoto Xuska Maalinta Xuriyadda Jamuuriyadda Jabuuti “Sawirro

Next Post
Baladweyne oo ka socoto Xuska Maalinta Xuriyadda Jamuuriyadda Jabuuti “Sawirro

Baladweyne oo ka socoto Xuska Maalinta Xuriyadda Jamuuriyadda Jabuuti "Sawirro

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

November 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In