Wednesday, October 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hadaljeedinta Madaxweyne Farmaajo ee casho sharafta diblomaasiyiinta ka hawlgala Muqdisho

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo casho lagu maamusayo 1-da Luulyo u sameeyay diblomaasiyiinta shisheeye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hadaljeedinta Madaxweyne Farmaajo ee casho sharafta diblomaasiyiinta ka hawlgala Muqdisho
Mudanayaal iyo Marwooyin

Aan fursaddan uga faaโ€™idaysto inaan idinku soo dhaweeyo Villa Soomaaliya. Run ahaantii waan ku faraxsanahay inaan idinku martigeliyo halkan si aad noogala qayb qaadataan dabbaaldegga sannad-guurada 59-aad ee soo wareegtay madaxbannaanideenna. Soomaalida ku dhaqan daafaha caalamku waxay munaasabaddan qiimaha leh u dabbaaldagayeen toddobaadkii la soo dhaafay oo dhan. Waa damaashaad Soomaalida ugu suntan rajo iyo farxad.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad ka warqabtaan, Soomaaliya waxay sannadihii la soo dhaafay samaysay horumar xawli ah, waxaana ku faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladdaydu ay gaartay guulo waaweyn intii aan talada hayay, walow ay caqabado jiraan.

Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka samaysay la dagaallanka musuqmaasuqa, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo buuxinta shuruudaha dayn cafinta ee Hayโ€™adda Lacagaha Adduunka (IMF) oo meel fiican maraya.

La dagaallanka musuqmaasuqa iyo dib u habaynta hannaanka dowladnimada ayaa dowladdeenu suurtageliyay inay si joogto ah u bixiso musharaadka shaqaalaha dowladda iyo in meesha laga saaro dhaqaalihii yaraa ee aan haysannay ee la lunsan jiray. Waxa intaasi dheer, dowladdaydu waxay ku guulaysatey inay xalliso god-daloolooyinka hannaanka maaliyadda. Waxaa naga goโ€™an inaan Beesha Caalamka kala shaqaynno dib u habaynta hannaanka dowladnimada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Marka laga yimaaddo caqabadaha dhanka amniga, waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay leedahay mustaqbal ifaya. Tan waxa caddayn u ah doonista xooggan iyo adkaysiga shacabkeenna oo si adag uga hor yimi argagaxisada. Mar labaad ayaan doonayaa inaan hoosta ka xarriiqo in Dowladda Soomaaliya ay ka guulaysanayso cadawgeeda, ayna ka goโ€™an tahay inay horumar ka gaarto dhan walba.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan jeclaan lahaa inaan Beesha Caalamka uga mahadceliyo taageerada hagar laโ€™aanta ah ee ay ku kaalmaynayso shacabkeenna. Waxaan idiin sheegayaa inaan dadaalkiinnu noqon doonin hal bacaad lagu lisay. Taageeridiinnu waxay qayb libaax ah ka qaadatay horumarka aan gaarnay sannadihii la soo dhaafay. Halkan waxaan u joognaa inaan saaxiibadeenna caalamka kala shaqaynno sidii mustaqbal fiican loogu abuuri lahaa dadkeenna.

Ugu dambayntii, dowlad iyo shacabba waxa naga goโ€™an inaan dalkeenna hore u dhaqaajinno, isla markaasna aan dhisno dal dhexdiisa nabad ah, dalalka deriskana nabad kula nool.

Mahadsanidiin

Previous Post

Carruur Maleeshiyaadka Al Shabaab afduubteen oo laga soo furtay gobolka Sh/dhexe

Next Post

Wasiirka Dastuurka oo Kulan la yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan +Sawirro

Next Post
Wasiirka Dastuurka oo Kulan la yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan +Sawirro

Wasiirka Dastuurka oo Kulan la yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan +Sawirro

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

October 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hayโ€™adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hayโ€™adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In