Friday, December 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Kormeeray Wasaaradda Qorsheynta.”Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo 1 Milyen oo dollar ugu deeqday dadka fatahaaduhu ay saameeyeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

December 5, 2025
Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

December 5, 2025

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ay la socdaan wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda tubaha qaranka ayaa maanta kormeeray xarunta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu kulan la qaatay wasiirka wasaaradda, Jamaal Maxamed Xasan, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa kormeerka ugu kuur gelayay wixii wasaaradda ugu qabsoomay ballamadii Ra’iisul Wasaaraha ay la galeen ee ahaa in shaqooyin badan oo qayb ka ah halbeegyada ay ku leedahay Tubaqa Qaranka in sannadkaan 2019 ay ku qabanayaan.

Intii uu kormeerku socday ayaa wasiirka qorsheynta XFS waxa uu warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka shaqooyinka u qabsoomay iyo howlaha qabyada u ah ee ay doonayaan in ay ku qabtaan xilligii loo qorsheeyay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka, iyo dhammaan agaasimayaasha in ay sii laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan ka mira dhalinta shaqada ay qaranka u hayaan.

Previous Post

Madaxweynaha K/Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool+SAWIRO

Next Post

Qaramaynta Ciidamada Ahlu-Sunna waa astaan Dowladnimo

Next Post
Dowladda Soomaaliya Oo Maanta Si Rasmi Ah Dhuusamareeb Uga Billaawday Diiwaan Gelinta Ciidanka Ahlu Sunna “Sawirro”

Qaramaynta Ciidamada Ahlu-Sunna waa astaan Dowladnimo

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

December 5, 2025
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee XFS Cali Ifiye Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shir...

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

December 5, 2025
0

Wasiirka Awqafta iyo Arrimaha Islaamka XF S Mudane Sheekh Muqtaar Rooboow oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay...

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

December 5, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye oo qabtay dood cilmiyeed ay ka qeybgaleen qaar kamid ah...

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo kulan la qaatay ciidan Soomaali ah oo ku sugan dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo kulan la qaatay ciidan Soomaali ah oo ku sugan dalkaasi

December 5, 2025
0

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia , oo ay weheliyaan diblomaasiyiinta Safaaradda, ayaa kulan dhiirigalin ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In