Saturday, August 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Sadiiq Warfaa”30 sanno kaddib waxaan, raadinaynaa sahanka suuq shaqada rasmiga ee Soomaaliya ka jira”,

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 6, 2019
in Wararka
0
Wasiirka shaqada XFS oo khudbad ka jeediyay shir-weynaha shaqaalaah adduunka ee Geneva
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar la xiriiray sahanka suuqa shaqada Soomaaliya.

“Maanta waxaan rabaa in taariikhda lagu xuso, 30 sanno kaddib waxaad raadinaysan sahanka suuq shaqada rasmiga dalka Soomaaliya ka jira.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa oo wakiillada ka qeybgalay tababarka la hadlayay.

Related posts

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

August 23, 2025
Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka DGWB

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka DGWB

August 23, 2025

“Idinka waxaa tababarka la idin siiyay ma aha inad guryihiina iyo shaqooyinkiina aad ku laabataan waxaa la idinku aaminay hadaf qaran oo dowladda federaalka Soomaaliya ay leedahay oo ah in la ogaado suuqa shaqada rasmiga ah ee dalka ka jirta.. marka waxaa la idin ka baahanyahay oo waajib idin ka saaranyahay xogta rasmiga ah ee jirta, si loo ogaado yaa dalkan shaqeeya, yaan shaqeyn, yey shaqadiisa hooseysa, meeqo saac la shaqeeya.” ayuu ku daray wasiir Sadiiq Warfaa.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay hay’adaha ka taageeray dedaalada socda ee lagu doonayo sahanka in lagu oggaado, wuxuuna arrintaa in laga dhabeeyo uu kula dardaarmay wakiilada tababarka ka faa’ideystay ee ka socday dowlad-gobolleedyada.

Gabagabadii, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya wuxuu caddeeyay inay ka go’antahay horumarinta shaqaalaha iyo xal u helida shaqo yaraanta ka jirta dalka, dareenka oo uu sheegay inay dalka ku hoggaaminayaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre.

Tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo 60-gaaraya oo ka socday dowlad-gobolleedyada dalka, waxaana xiritaankiisa ka qeybgalay madaxa hay’adda shaqaalaha adduunka ILO ee Soomaaliya, Saad Gilani ,xoghayaha ururka shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) , Cumar Faaruq Cusmaan , mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda qorsheynta federaalka iyo xubno kale.

Previous Post

Xildhibaanada BJFS ee ka soo jeeda Galmudug oo soo dhoweeyay dadaalada Ra’iisal wasaare Kheyre uu ka wado Galmudug.

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo War Saxaafadeed ka soo saartay howlaha doorashooyinka Jubbaland.

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaaraysay weerarkii argagaxiso ee Nairobi

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo War Saxaafadeed ka soo saartay howlaha doorashooyinka Jubbaland.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka DGWB

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka DGWB

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo loo...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha la doortay ee Golaha Wakiillada DGWB

Ra’iisul wasaaraha XFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha la doortay ee Golaha Wakiillada DGWB

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha...

Dr.Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

Dr.Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD): Dr.Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuuna ku soo baxay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In