Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamar jajab, Mudane Ismaaciil Muqtaar Cumar (Oranjo) ayaa maanta xilka ku wareejiyay, Guhaad Sheekh Xasan Cali, Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab oo uu dhowaan soo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Degmada Xamar Jajab, ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Degmada.
Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab Guhaad Sheekh Xasan ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyihii hore waxyaabaha u qabsoomay, isla markaana uu xusay in uu si cadaalad ah ugu adeegi doono bulshada degmada, isagoo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan oo ay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka loo idmaday.
Guddoomiyaha haatan xilka wareejiyay, Ismaaciil Muqtaar Cumar (Oranjo) ayaa bishii Janaayo ee sanadkan loo magacaabay xilka uu maanta banneeyay, isagoo muddadii uu halkaa joogayna qabtay howlo badan oo wax ku ool u ah adeegyada kala duwan ee arrimaha Bulshada.