Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa xukun dil ah ku fulisay 3 dhagarqabayaal ah,kuwaasi oo ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Naasa-Hablood2 ee magaalada Muqdisho,28,Oct sanadkii 2017,kaasi oo khasaare dhaliyay.
Hadaba halkan ka akhriso: Habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo goโaanka maxakamadda.
Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Daโ1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:-
1-ย Farxaan Maxamed Samatarย ina Safiyo Maxโed ku dhashay Galgaduud.
2-ย C/naasir Dhaqane Xasanย ina Xabiibo Maxโudย ย ku dhashay Gedo
3-ย Abshir Maxโed Xaaji Buuleย ina Xabiibo Maxโed ku dhashay Saakow,ย kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusooย eedeeyayย Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyoย in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyayย 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale.
Taariikhdu ahaydย ย 30/05/2018ย ย waxeyย maxkamada ciidamada qalabka sida kuย Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo ย Taariikhdu markay ahayd ย ย 28/10/2017.
Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.