Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

FAALLO: Gaalkacyo Mideysan waa Soomaali Mideysan + Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
FAALLO: Gaalkacyo Mideysan waa Soomaali Mideysan + Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Beryahaan waxaa socdaal shaqo ku kala bixinayay Deegaanno ka tirsan Gobollada Galguduud iyo Mudug Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, wuxuuna safar lugta ah ku oo kala bixiyay Magaalooyinka Dhuusa-mareeb, guri-ceel, Cadaado, Balanballe, Caabud-waaq, Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo la xariira dib u heshiisiinta, nabadeynta Deegaanada iyo Qarameynta Ciidamada.

Kadib Mudane Kheyre waxa uu u gudbnay Magaalada Gaalkacyo qeybta waqooyi ee Maamulka Puntland oo Ra’iisul-wasaaha si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana qeyb libaax ka qaatay Bulshada ku nool dhanka waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo waxayna soo dhaweyntaasi ka dhacday garoonka kubbadda cagta Cawaale markii Ra’iisul-Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo socdaal ku soo gaaray dhanka Waqooyi ee Magaaladaasi.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026

Garoonka Cawaale oo loogu magac daray halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan oo ahaa Ninkii Alifay Naqshadda Calanka Soomaaliyeed ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad u badan dhallinyaro xamaasadeysan oo isu abaabulay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kuna dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan dowlad jaceylka ay qabaan iyo sida ay ugu faraxsan yihiin socdaalka wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bulshada waqooyiga Gaalkacyo uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen ayaa ku dhiirri geliyay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta gobannimada iyo xornimada ay soo hooyeen dhallinyaro badankood ka soo jeeday gobalka Mudug, wuxuuna aad ugu dheeraaday Taariikhda Magaalada Gaalkacyo iyo Halgamayaashii SYL ee ka soo jeeday Magaaladaasi.

“Halyaayadii Soomaaliyeed waxa ay nooga tageen in Quluubta Ummadda Soomaaliyeed marna xuduud kala yeelan Karin, Gaalkacyo waqooyi iyo Koofurba waa Soomaali oo aan la kala qaadi karin”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, wuxuuna halheyskiisu ahaa GAALKACYOOY MA NABAD BAA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in labada maamul ee Gaalkacyo ka jira ay dowladda federaalku kala shaqeyneyso nabadeynta iyo isu soo dhawaanshaha bulshada, wuxuuna intaasi raaciyay ama uu yiri:- “Shacabka iyo dowladda waa wadnaha iyo beerka qofka bini aadamka. Lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda”.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay dhisayso garoonka kubbadda cagta Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug loogana dhigaayo sida ay ay rabaan, islamarkaana waxa uu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu Dhagax dhigay Hoyga Nabadda Magaalada Gaalkacyo, iyadoo Munaasabadda Dhagax dhiggaasi ay ka qeyb galeen Guddoomiyayaasha Gobalka Mudug iyo Gudoomiyayaasha Degmada Gaalkacyo ee Puntiland iyo Galmudug iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka dhacday qeybta Koofureed ee magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhismaha hoyga nabadda ku tilmaamay sharaf u soo hoyatay Mudug iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa ku ammaanay maamullada Labada dhinac ee Magaalada Gaalkacyo iyo gobalka Mudug dadaalkooda ku aaddan nabadaynta waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan arrintaasi, si Guriga nabadda Gaalkacyo loo gaarsiiyo guriga nabadda Soomaaliya.

Raiisul-wasaaraha Xukuumadda oo aad ugu dheeraaday ammaanta Magaalada Gaalkacyo ayaa yiri:-“Gaalkacyo midaysan waa Soomaaliya mideysan, Gaalkcayo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah”.

Hoyga nabadda Gaalkacyo ayaa saldhig u noqonaya Dadka ka shaqeeya nabadda Gaalkacyo, Odayaasha dhaqanka iyo Dadka sama-doonnada ah ee Bulshada isu soo duma, si sare loogu qaado is-dhex galka Bulshada, dib-u-heshiisiinta, loogana shaqeeyo soo celinta sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Haddaba Shacabka iyo dowladda waxaa lagu micneyn karaa Wadnaha iyo Beerka qofka bini-aadamka, sidaasi awgeed lama kala qaadi karo Shacabka iyo dowladda, sidaasi awgeed waxaa la dhihi karaa:-“ Gaalkacyo Mideysan waa Soomaali Mideysan”.

W.D: C/laahi Ruush

Previous Post

Duqa Muqdisho oo furay tartanka Kubadda Gacanta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir+ Sawirro

Next Post

Ciidanka ammaanka oo Degmada Dharkeynleey kusoo bandhigay Burcad Shacabka dhac u geysan jirtay+Sawirro

Next Post
Ciidanka ammaanka oo Degmada Dharkeynleey kusoo bandhigay Burcad Shacabka dhac u geysan jirtay+Sawirro

Ciidanka ammaanka oo Degmada Dharkeynleey kusoo bandhigay Burcad Shacabka dhac u geysan jirtay+Sawirro

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In