Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulamo La Qaatay Odayaasha Ka Shaqeeya Xoojinta Nabadda Iyo Xasiloonida Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulamo La Qaatay Odayaasha Ka Shaqeeya Xoojinta Nabadda Iyo Xasiloonida Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Gaalkacyo kulamo kula qaatay odayaasha u xil saaran adkeynta nabadda iyo is-dhex galka bulshada ku nool waqooyiga iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Kulamada dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo odayaasha labada qayb ee magaalada ugu xil saaran xoojinta nabadaynta ayaa looga hadlay dowrka odayaasha ee dib-u-heshiisiinta, nabadaynta iyo sare u qaadidda is-dehx galka bulshada.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Odayaasha ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dadaallada uu ku bixinayo nabadaynta, dib-u-heshiisiinta iyo isu dumidda bulshada, waxa ayna u ballan qaadeen in ay dowladda federaalka Soomaaliya ku garab siinayaan ka shaqeynta danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaare Xasan Cali Khayre oo odayaasha uu kulamada la qaatay u caddeeyay in dowladdu garaawsantahay dowrkooda midnimada iyo nabadda magaalada ayaa ballan qaaday in dowladdu labada dhinac kala shaqeynayso nabadaynta iyo horumarinta xasiloonnida deegaanka.

Maalin ka hor ayaa Ra’iisul Wasaaruhu Gaalkacyo ka dhagax dhigay Hoyga Nabadda oo qayb ka ah mashuurca nabadaynta magaalada Gaalkacyo si loo horumariyo nabadda iyo xasiloonida deegaanka, looguna gogol xaaro horumar ballaan oo ay ku tillaabsadaan bulshada deegaanka ku nool.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Ra'iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In