Wednesday, May 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay qasaarihii ka dhashay weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Kismaayo

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay qasaarihii ka dhashay weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Saxaafada la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii iyo weerarkii Argagixisadu ku qaaday Hotelka Madiina isagoona ka warbixiyay sida ay wax u dheceen.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in 26 Qof ay ku dhinteen weerarka, halka 56 kalena ay ku dhaawacmeen, isagoo sheegay in Dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay Jinsiyadaha Dalal shisheeye ah.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026

Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Jubbaland, ayaa sheegay in Dadka dhintay ay ka mid yihiin 3 Kenyaan ah, Hal Canadian ah, Qof Biritish ah, Saddex Tanzanian ah iyo Laba Qof oo haysata dhalashada Dalka Maraykanka.

Waxaa kale oo uu Madaxweynahu sheegay in Labo Qof oo u dhalatay Waddanka Shiinaha ay kamid yihiin Dadka dhaawacmay,  kuwaas oo hadda xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelada uu ka baxay Xildhibaan hore hadana ahaa musharax u tartamayay xilka madaxtinimo ee Jubbaland Xildhibaan shuuriye iyo Alle ha u Naxariistee wasiir hore oo Jubbaland ah Jaamac fariid iyo marwadiisa hodan naleeye isagoo ilahay uga baryay dhamaan dadka dhintay in uu janadii fardowso ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna wuxuu u rajeeyay caafimaad taam ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in raga weerarka soo qaaday ay ahayeen afar qof kuwaas oo mid kamid ah uu Hotelka isku qarxiyay mid kalana isaga oo nool ay ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen halka labada kale toogasho lagu dilay.

Madaxweynaha ayaa shacabka reer kismaayo uga digey inay ka feejignaadaan goobaha falalkan oo kale ay ka dhacaan oo ay ka dheeraadaan si ayna khasaaraha usii badinin.

Waxaa Madaxweynahu uu amaanay dadaalkii ay muujiyeen Ciidamada amaanka oo dad farabadan kasoo badbaadiyay hotelka sidoo kalana wakhti kooban kusoo afjaray kooxda weerarka soo qaaday waxaa uu intaas ku daray in amaanka gacan bir ah lagu qaban doono isagoo faray Hay”adaha amaanka in ay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan sida ay wax u dheceen dibna shacabka ay ula wadaagi doonan.

Dhamaan umada Soomaaliyeed iyo Bulshada caalamka ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay ka qayb qaatan gurmadka ay Dowlad Goboleedka Jubbaland u fidinayso dadka ay waxyeeladu gaadhay isagoo u mahad celiyay Dowladaha iyo dhamaan dhinacyadii la qaybsaday ree Jubbaland tiiraanyada.

Madaxweynahu wuxuu xusay in Warbixin dheerad ah oo la xiriirta sida ay wax u dheceen dhawaan ay Jubbaland soo saarayso kadib marka Hay”adaha amaanku ay dhameeyaan baaritaanada ay wadaan taas oo la xidhiidha waxyaabaha xiligan kusoo beegay falkan maadama Kismaayo ay nabadgalyo buuxda ka jirtay.

Previous Post

Qaramada midoobay oo cambaaraysay qaraxii ka dhacay Kismaayo

Next Post

Madaxweyne Waare oo tacsi u diray ehelada Dadkii ay Argagaxisadu ku laayeen Kismaayo.

Next Post
Madaxweyne Waare oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo Dadka ku nool Deegaanada Hirshabeelle

Madaxweyne Waare oo tacsi u diray ehelada Dadkii ay Argagaxisadu ku laayeen Kismaayo.

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

May 26, 2026
0

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, 26 Maajo 2026 – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In