Saturday, July 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo reer Dhuusamareeb ku dhiirri geliyay dedaalkooda isu diyaarinta shir weynaha dib u heshiisiinta Galmudug+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo reer Dhuusamareeb ku dhiirri geliyay dedaalkooda isu diyaarinta shir weynaha dib u heshiisiinta Galmudug+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta booqasho ku tegay waddada isku xirta Garoonka diyaarada iyo magaalada Dhuusamareeb oo lagu nafiifinayay ololaha Isxilqaan ayaa ammaanay dadaallada bulshada ku nool magaalada ay ugu diyaar garoobayaan marti gelinta shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Bulshada magaalada dhuusamareeb oo ay hor kacayeen maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa nafiidin iyo geed ka jarid ka billaabay waddada is bilicda magaalada sare loogu qaado.

Related posts

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

July 18, 2026
Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

July 18, 2026

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in horumarinta caasimadda Galmudug ay ku xirantahay sida bulshada ku nool ay isku xilqaamaan oo mas’uuliyad ay isaga saaraan ayna uga go’antahay in magaaladu gaarto heer ay la tartami karto caasimadaha kale ee dowlad gobaleedyada dalka.

Howsha is-xilqaanka ah ee sare loogu qaadayo bilicda magaalada ayuu sheegay Ra’iisul wasaaruhu in ay astaan u tahay dadaalka wadajira ee reer Dhuusamareeb ugu jiraan soo dhaweynta wufuudda kala duwan ee magaalada u imaaneysa shirweynaha dib-u-heshiisiinta iyo qorshaha dhismaha Galmudug mideysan

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa dhawaan ka furmaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo qayb ka ah dadaallada dhismaha Galmudug dhammaystiran oo sal adag.

Previous Post

President Farmajo receives AU delegation

Next Post

Golaha Aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho.

Next Post
Golaha Aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho.

Golaha Aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho.

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

July 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Cabdulqaadir Cilmi...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

July 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NEW YORK):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku aaddan hirgelinta ajendayaasha horumarineed ee Afrika iyo caalamka, iyadoo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
0

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRKII GAASHAANDHIGGA DALKA JABUUTI   Muqdisho, Luuliyo, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In