Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Qatar:”Xiriirka Soomaaliya iy Qatar waa mid ku dhisan xushmad & ilaalinta danaha labada dal”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Qatar:”Xiriirka Soomaaliya iy Qatar waa mid ku dhisan xushmad & ilaalinta danaha labada dal”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo iftiimiyay in qofkasta ay Mas’uuliyad ka saarantahay arrimaha abaaraha

January 16, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

January 16, 2026

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Warfaafinta ee dowladda Qatar ayaa looga hadlay warbixintii uu daabacay wargeyska the Newyork times,iyadoo dowladda Qatar arrinkaasi ay siweyn uga jawaabtay.

“Dowladda Qatar markasta waxaa ay ku dhisantahay siyaasadeeda arrimaha dibadda in la abuuro jawi degnaansho iyo barwaaqo horseedidi,mana faragelino madaxbanaanida iyo arrimaha gudaha ee dal kale,cidkasta oo sidaasi ku fekereysana nagama mid ahan dowlada haan Qatar” ayaa lagu yiri qoraalkaasi ka soo baxay dowladda Qatar.

“Khalifa al Muhannadi ma ahan mana noqon doono qof lataliye ah kana tirsan dowladda Qatar,ma matalo dowladda Qatar,xaqna uma lahan in uu ka hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka Qatar,waanu baari doonaa shaaqsiyada qofkaasi,waxaana uu qaadi doonaa mas’uuliyada hadalkaasi uu yiri,waana ku celinaynaa in uusan marnaba matalin mabaadi,deena”.

“Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan,mana faragelino arrimahooda gudaha,xiriirkeeni wuxuu ku dhisan yahay isxushmeynta labada dhinaca iyo ilaalinta danaha labada dal,waxaan u rajeynaynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyed horumar iyo barwaaqo,waaa sii wadi doonaa dadaalka aan ku taageerayno Soomaaliya,ilaa dalka uu gaaro xasilooni waarta.”

Waxaa warbixintasi looga codsaday mas’uuliyinta wargeyska newyork times in wareysigaasi ay duubeen baaritaana lagu sameynayo ay kaalin ka qaataan,iyadoo loo marayo shuruucda iyo nidaamka u yaala siyaasadooda xaga Tifaftirka.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay arrintani wuxuuna sheegay in safiirka Qatar ee Soomaaliya uu la wadaagay Dowladda Soomaaliya warbixinta la xiriirta Newyork Times iyo eedeymahaasi,wuxuuna wasiir cawad uu xusay in warbixintoodi ay ku adkeynayaan Qatar in aanay waxba kajirin warkaasi la baahiyay,sidoo kale Qatar ay u xaqiijisay in arrintaasi baaritaano dhab ah ay ku sameynayaan.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo la kulmy Saraakiisha Ciidammada Dalka Talyaaniga+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Casho Sharaf sagootin ah loogu sameeyay Baydhabo”Sawirro”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Casho Sharaf sagootin ah loogu sameeyay Baydhabo”Sawirro”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Casho Sharaf sagootin ah loogu sameeyay Baydhabo”Sawirro”

Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo iftiimiyay in qofkasta ay Mas’uuliyad ka saarantahay arrimaha abaaraha

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey'adda Maareynta Masiibooyinka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan ahayn mid ku kooban hal hay’ad oo keliya...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

January 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa Magaalada Laascaanoon kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed...

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In