Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Labo eedeysane oo ka tirsanaa Daacish oo ka soo hor-muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida+Sawiiro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
June 15, 2021
in Wararka
0
Labo eedeysane oo ka tirsanaa Daacish oo ka soo hor-muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida+Sawiiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aadan Maxamed Cali iyo Cabdishakuur Xaaji Barsanji ayaa markii labaad ka soo muuqday Maxkamada Ciidamada Qalabka sida,Maxkamada ayaa balamisay fadhigii kan ka horeeyay in xafiiska Xeer ilaalinta la yimaadaan marqaatiyaasha iyo cadeymaha Kiiskan ku xusan.

Hay’adda dambi baarista Booliska CID-da ayaa fursad loo siiyay iney sharaxaan Kiisas shan ah oo ku xusan gal dacwadeedka eedeysanaha koowaad iyo kaalinta eedeysanaha labaad.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Labadan eedeysane ayaa si wada jir waxaa loogu eedeynayaa iney ka wada tirsan yihiin Ururo Hubaysan oo lid ku ah awoodaha qaranka , gaar ahaan kooxda Daacish.

Eedeysane Aadan Max’ed Cali ayaa waxaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish una qaabilsanaa Qeybta fulisa dilalka qorshaysan.,wuxuuna ka soo howlgalay Gobolada Banaadir Iyo Bari,   qaybna ka ahaa fulinta dilalka soo socd:-

1. Taariikhdu markay ahayd 24/09/2018  , waxaa  Boosaaso ku dishay Ex-Marxuum L/x/le Axmed Hurfe Jaamac Barre oo ahaa  Taliyahii Gaadiidka Madaxtooyada Puntland.

2.Taariikhdu markay ahayd 25/10/2018 , waxaa sidoo kale Magaalada  boosaaso   ku dishay Marxuum C/raxmaan  Aadan Cali oo ahaa ganacsade sharaab ku iibin jiray Magaalada.

3.Taariikhdu markay ahayd 19/01/2019 waxaad degmada H/wadaag ku dishay labo marxuum oo lagu kala magacaabi jiray Marxuum Axmed Max’ed Nuur (Axmed Shiikhaal) oo ahaa Guddoomiye Laameed iyo Marxuum C/laahi Muxumed Cali (C/laahi dheere).

4.Taariikhdu markay ahayd 27/01/2019 waxaad Degmada Yaaqshiid  ku dishay Ex-Marxuum D/le X. Axmed Cabdi Xuseen, iyadoo Ciidamada amnigu ay kusoo qabteen kadib markii uu dhaawac kaa soo gaaray fulinta dilka marxuumka.

Sidoo kale, eedeysane C/shakuur Xaaji Barsanji ayaa waxaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish,isagoona eedeysanaha koowaad gacan ka siiyay  inuu ka baxsado gacanta ciidamada amniga,islamarkaana uu Cisbitaal geeyay dhaawiciisa.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga Maxkamada ayaa sheegay in dhageysiga gar-maqalka labadan eedeysane intaa uu ku dhammeystiran yahay,islamarkaana ay Maxkamada go’aan ka soo saari doonto.

Edited:- Abdulkadir Isse

Previous Post

Mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Buuraha Goolis

Next Post

Xaaladda Caafimaad ee Dhaawacyadii loo qaaday dalka Qatar oo soo hagaageysa”Dhageyso”.

Next Post
Xaaladda Caafimaad ee Dhaawacyadii loo qaaday dalka Qatar oo soo hagaageysa”Dhageyso”.

Xaaladda Caafimaad ee Dhaawacyadii loo qaaday dalka Qatar oo soo hagaageysa"Dhageyso".

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In