Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay isku xirka howlaha socdaalka dalka oo ku soo idlaaday Garoowe

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay isku xirka howlaha socdaalka dalka oo ku soo idlaaday Garoowe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku xigeenka dowladd Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” ayaa furay Shirka isku xirka howlaha laamaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shirkaan oo saddexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadlay howlaha isku xirka Laamaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsidaha, wixii qabsoomay, caqabadaha iyo fursadaha jira ee u baahan in laga faa’idaysto.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026

Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxaa ku wehlinayay kulanka  Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), ku xigeenada, Agaasimaha guud, Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Gallan,,madaxda Laamaha Gobolada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsidaha (HSJ), Maamulka gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe, Saraakiisha Amniga ee kala duwan, Ururada Bulshada rayidka ah iyo Marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka dowladd Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan  ayaa bogaadiyay shaqada ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada ay bulshada u hayso, waxaana uu tilmaamay inay si dhow u wada shaqeeyaan, loona baahan yahay in ay sii laba jibbaaraan howlaha baaxadda leh ee ay Ummadda u hayaan.

Ugu danbayn Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Puntland ayaa hoosta ka xarriiqay in Puntland iyo Hay’adda Socdaalka ay leeyihiin wada shaqayn wanaagsan, waxaana uu ku ammaanay shaqada Muhiimka ee ay hayaan, isla markaana Puntland diyaar u tahay in mar walba ay xoojiso arimaha wada shaqaynta ay la leedahay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Puntlanda Cabdisamad Gallan ayaa sidoo kale xalay casho sharaf ugu sameeyay magaalada Garoowe wufuuddii ka qaybgashay shirka isku xirka howlaha laamaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, kulankaan oo muhiimad gaar ah u lahaa horumarinta arrimaha socdaalka dalka ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyo is faham.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo bandhigtay Siyaasadda Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Dadweynaha “AKHRISO”

Next Post

Somali Finance minister meets World bank and IMF officials in Washington

Next Post
Somali Finance minister meets World bank and IMF officials in Washington

Somali Finance minister meets World bank and IMF officials in Washington

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In