Madaxda sare ee dalka ayaa si isku mid ah uga Tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii G/Benaadir ahaana Duqii Caasimada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo maanta ku geeriyooday magaaladda Dooxa ee Xarunta Dalka Qatar.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheakh C/raxmaan ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida ku timid Gudoomiyaha G/Benaadir ahaana Duqii Caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Allaah u weydiiyay marxuumka in uu ugu deeqo naxariistiisa balaaran.
Ra-iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka Tacsiyeeyay Geerida Gudoomiyihii Gobolka waxa uuna alle uga baryay in ka waraabiyo Janatul Firdowsa.
Ra-iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhambaalkiisa tacsida ah sidoo kale la wadaagay Qoyskii, Qaraabadii, iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Duqii Caasimada Muqdisho Marxuum C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.
Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS ayaa isna si lamida madaxda kale qaranka uga tacsiyeeyay geerida Gudoomiyaha.
Maxkamadda Sare Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa tacsi u Diray Dhammaan ummada soomaaliyeed Geerida ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng Yariisow”
“Tacsi: Aniga oo ku hadalaya magaca Garsoorka JFS, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, asxaabta, Shacabka ku nool Caasimada Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Banaadir & iyo Dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo kaga tacsiyeynayo Geerida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magalada Muqdisho oo ku Geeriyooday Dalka Qatar.
Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Benaadir ahaana duqii Caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa ka mid ahaa madaxdii ku dhaawacmay qaraxii 24-kii bishii Luuliya ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho.