Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddigii ay Dowladdu u saartay aaska Marxuum Eng Yariisow oo ka warbixiyey howlaha agaasinka aaska Qaran ee ay wadaan

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Guddigii ay Dowladdu u saartay aaska Marxuum Eng Yariisow oo ka warbixiyey howlaha agaasinka aaska Qaran ee ay wadaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir, Saalax  Xasan  Cumar, ayaa faah-faahin ka bixiyay halka ay marayaan howlaha qaban-qaabada aaska Qaran ee Maanta lagu wado in Muqdisho loogu sameeyo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo dhowaan ku geeriyooday Magaalada Doxa ee Dalka Qatar.

Mudane; Saalax ayaa mar Labaad ka tacsiyeeyay geerida Duqa ahaana Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in Guddigii uu Ra’iisul wasaaruhu u xil saaray aaska Qaran ay howlihii loo igmaday u marayaan meel wanaagsan.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

“Run ahaantii Guddigu waxay soo qabteen howlo fara badan, iyadoo la marayo howlihii ugu dambeeyay iyo diyaar garoowgii ay Guddigu ku jireen, waxaana la filayaa in Marxuumka Meydkiisa lasoo gaarsiiyo Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Afhayeenku.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa dhowaan Guddi ka kooban 14 Xubnood, isuguna jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo maamulka Gobolka Banaadir u xil saaray aaska Qaran ee loo samaynayo Maanta Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Allaha u Naxariistee, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow).

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho, Eng; C/raxmaan Cumar Cusmaan, ayaa lagu wadaa in Maanta oo Sabti ah, laga saao qaado Meydkiisa Magaalada Doxa ee Dalka Qatar, isla markaana  aas Qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho, iyadoo qaban-qaabada laga dareemayo gudaha Caasimadda Muqdisho.

Previous Post

Meydka Gudoomiyihii gobolka Banaadir oo dhawaan lakeenayo Muqdisho “Dhageyso”

Next Post

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo soo gaaray Muqdisho

Next Post
Madaxweynaha Koofur Galbeed oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo soo gaaray Muqdisho

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In