Sunday, August 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxakamadda Ciidanka Qalabka sida oo Xukun dil ah ku fulisay labo dhagar qabe oo ka tirsanaa Al-shabaab”Dhageyso”.

admin by admin
August 5, 2019
in Wararka
0
Maxakamadda Ciidanka Qalabka sida oo Xukun dil ah ku fulisay labo dhagar qabe oo ka tirsanaa Al-shabaab”Dhageyso”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

August 17, 2025
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay in lasoo gaba-gabeeyay diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka ee gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay in lasoo gaba-gabeeyay diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka ee gobolka Banaadir

August 17, 2025

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa Saakay dil toogasho ku fulisay labo nin oo horay uga tirsanaa Kooxda Al Shabaab.

Labadaan Argagixiso ayaa dilal iyo qaraxyo ka geystay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed.

Horay ayaa Xukuno dil ah ugu soo rideen heerarka Kala duwan ee Maxkamadaha Ciidanka Qalabka sida, balse Saaka Aroortii hore ayaa lagu toogtay Fagaaraha Cadaalada ee Toogashadu ka dhacdo ee Muqdisho.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa May 20, 2019-ka Xukun Dil ah ku riday Labadan ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab oo racfaan ka soo qaatay xukunkii Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee ahaa dilka toogashada.

Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) ina Faadumo Aadan Cismaan 23jir ah ku dhashay Sh/dhexe iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) ina Xaawo Cawil Mursal 25 jir ah ku dhashay Bay , kuwaasi oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida ku soo eedeeyay Dembiyada kala ah: ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis), Dil bareer ah iyo Xasuuq dad shacab ah, eedaysanayaasha waxaa lagu eedeeyay inay fuliyeen falalka soo socda:-

15/08/2017, waxay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen hal Qoys waxaana ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad .
27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah 1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi, weerarkaasoo sababay geerida labada marxuum.
09/11/2018, waxay qayb ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday Hotel Sahafi, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux.

Sidoo kale 22/12/2018 waxay ahaayeen abaabulayaashii labadi qarax ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo Daljirka Dahsoon, oo ay ku geeriyoodeen 27ruux.
Taariikhdu ahayd 20/03/2019 waxay maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho ah.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/08/2019 ayaa waxaa lagu fuliyay Xukunkii dilka ahaa.

Halkaan ka Dhageyso Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Ciidamada Qalabka Sida oo Warbahinta u Akhriyay Xukunka.

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2019/08/Xukun-Toogasha-ah-oo-maanta-lagu-fuliyay-Canshuur-Cusmaan-Abuukar-iyo-Maxamed....mp3
Previous Post

Labo ka tirsan Kooxda Al Shabaab oo Saaka Muqdisho dil toogasho lagu fuliyey

Next Post

R/wasaare Khayre Oo Dardaaran Iyo Dhiirri Gelin Ugu Tegay Ciidan Loo Diyaariyay Howl-galka Argagaxisada+Sawirro

Next Post
R/wasaare Khayre Oo Dardaaran Iyo Dhiirri Gelin Ugu Tegay Ciidan Loo Diyaariyay Howl-galka Argagaxisada+Sawirro

R/wasaare Khayre Oo Dardaaran Iyo Dhiirri Gelin Ugu Tegay Ciidan Loo Diyaariyay Howl-galka Argagaxisada+Sawirro

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay in lasoo gaba-gabeeyay diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka ee gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay in lasoo gaba-gabeeyay diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka ee gobolka Banaadir

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay in lasoo xiray diiwaan-gelintii codbixiyaasha doorashooyinka ee...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala...

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah Degmada Afgooye ugu daahfuray ololaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In