Sunday, May 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka hadlay howlgal Ciidanka XDS ay kula wareegeen degmada Aw-dheegle

admin by admin
August 6, 2019
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka hadlay howlgal Ciidanka XDS ay kula wareegeen degmada Aw-dheegle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa faahfaahiyey howlgal  Ciidanka Danab ee Xoogga dalka  ay kula wareegeen degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha hoose, Ibrahim Aadan Cali Najax oo goordhaw wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta Qaranka ayaa Sheegey  in Ciidanka Xoogga dalka ay si buuxda gacanta ugu dhigeen degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellah Hoose.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025

Mudane Najax ayaa  intaa ku darey in hadda ay Ciidanku waddaan howlgal ay ku baarayaan miinooyinka argagixisadu ay  ku aastey degmada iyo waddooyinka soo gala si  ay ugu dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan howlgallo ballaaran oo lagu baacsanayo haraadiga argagixisada ee ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka, si looga dulqaado dadka rayidka oo ay ku haayaan dhibaato xooggan,isagoo xusay in aysan jirin khasaaro soo gaaray dadka Shacabka ah.

Muddooyinkii dambe Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo ka waday deegaanno badan oo maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku sugnaayeen, iyadoo argagaxisada ay soo wajahday cabsi xooggan oo uga imaaneysa Ciidamada sida gaarka u tababaran ee DANAB oo gacanta cadawga ka saaray degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Previous Post

Maxakamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku ridday Andrew Brain Irlam o u dhashey Britain

Next Post

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliy

Next Post
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliy

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliy

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa...

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn loo soo agaasimay taas oo su’aalo lagu waydiinayey Guddoomiyaha...

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeeray xalay goobo gurmad ay qeyb ka yihiin...

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In