Friday, October 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay deegaanno horleh oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

admin by admin
August 7, 2019
in Wararka
0
Ciidamada Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay deegaanno horleh oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka naflacaariga ah ee Alshabaab waxa ay ka wadaan tuulooyin hoos yimaada degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose .

Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa saaka gudaha u galay deegaanka malable ee hoostaga degmada Aw-dheegle ee gobolkaasi,waxaana halkaasi isaga cararay maleeshiyaadkii Alshabaab.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida oo aan qadka taleefanka kula xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in ay wadaan howlgallo aan kala joogsi laheyn oo ay argagaxisada uga xureynayaan deegaannada farakutirska ah ee ay kaga suganyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa waxaa soo wajahday cabsi xooggan oo uga imaaneysa Ciidamada Xoogga dalka, kadib markii shalay laga saaray degmada Aw-dheegle iyo deegaanno hoos yimaada oo ay ku dhibaateyn jireen dadka Shacabka ah,iyadoo ay xusid mudantahay in hore gacantooda laga baxshay deegaanno badan oo ay ka soo abaabuli jireen Weerarada iyo Qaraxyada.

Previous Post

Taliska CXD oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Howlgallada ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose”Dhageyso”.

Next Post

Ciidamada DANAB oo Miinooyin badan ka saaray Wadooyinka ka baxa degmada Aw-dheegle

Next Post
Ciidamada DANAB oo Miinooyin badan ka saaray Wadooyinka ka baxa degmada Aw-dheegle

Ciidamada DANAB oo Miinooyin badan ka saaray Wadooyinka ka baxa degmada Aw-dheegle

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda, kaasoo ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In