Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka gobolka Bakool oo 30 sano kadib dib u furay dugsigii Sare ee Xududr+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Maamulka gobolka Bakool oo 30 sano kadib dib u furay dugsigii Sare ee Xududr+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

July 23, 2026
Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026

Munaasabadaan oo lagu daahfurayay iskuulkii Dugsigii sare ee magaalada Xudur,waxa soo qaban qaabiyey bahda waxbarashada degmada Xuddur ee gobolka Bakool,iyadoo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS,Maamulka Bobolka Bakool,Maamulayaasha goobaha waxbarashada ee degmada Xuudr,ardadii hore ee Dugsiga Xudur oo u diyaarsan in dugsi sare ay ku biiraan waaladiinta ardada iyo Marti sharaf kale.

Dig u furista iskuulkaasi ayaa ka dambeysay kadib markii Wasaaradda Maaliyada ee XFS ay muddo 30 sano ka dib dayactir ku sameysay dhismo cusubna ku sameysay xaruunta dugsiga sare ee Xudur.

Ugu horey waxa munaasabada daahfurka ka hadlay maamulaha cusub ee dugsiga sare Cali Maxamed Sheekh Cali iyo guddoomiyaha waxabarashada degmada Xuddur Aadan Axmed Maxamuud (Qoosh) waxayna xuseen in sharaftii iyo karaamadii waxbarashada gobolka Bakool ay dib u soo laabatay bulshadana waxay ugu baaqeen in ay ka faa’ideystaan.

Aasaasayaashii iskuulada Shodog iyo iskuulka Xudur Sheekh Maxamed Kheyr iyo Luul Maxamed Nuur ayaa bogaadiyey furitaanka dugsiga sare oo baahi weyn loo qabay,iyagoo uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysatay dayactirka dugsigaasi.

Guddoonka waxbarashada gobolka Bakool Cabdulqaadir Nuur Cadow ayaa u madahceliyey guddoomiyaha gobolka Bakool kaalinta uu ka qaatay in 30 sano ka dib dugsi Sare dib u shaqeeyo,wuxuuna shahaado sharaf guddoonsiiyay guddoomiye Maxamed Cabdi Maxamed (Tol).

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Maxamed Tol iyo ex-Wasiir Xildhibaan Sheekh Xasan Ibraahim (Lubuur) oo geba gebada munaasabadaasi ka hadlay ayaa bahda waxbarashada iyo bulshada ku bogaadiyay in la iska kaashado horumarinta waxbarashada gobolka,iyagoo dowladda Soomaaliya uga mahadnaqay maalgelinta dib u dhiska iskuulkaasi Sare ee Xududr.

Dhismaha dugsi sare waa dhismo aad u balaaran qeyb ka mid ah waxa loo qorsheeyey in jaamacad laga furo maadaama degmada Xuddur oo xaruun u ah gobolka Bakool aysan ka jirin waxbarasho heer Jaamacadeed.

By: Maxamed Xasan Cabdiraxmaan Xudur

Previous Post

Wasiir Cawad “Isbedel ayaa sanadkan ka jira adeegyada ay helaan Xujeyda Soomaalida” Dhageyso

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidda Carafo

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidda Carafo

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidda Carafo

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026
0

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gebagebeeyay shirkii ugu horreeyay ee heer gobol ee Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga...

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

July 23, 2026
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 21-kii bishan fuliyay howlgal duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In