Iyadoo la tixraacayo hadafyadii iyo himilooyinkii wanaagsanaa ee Alle ha u naxariiste Maxamed Maxamuud Sheekh Cali La doonayay dadka dan’yarta ah iyo caruurta agoonta ah ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Hey’ad dhameystirta isla markaana fulisa qorshooyiinkii uu lahaa Maxamed oo Sanadkii hore koox arxan laawayaal ah ay ku dileen Magaaladda Muqdisho.
Madasha lagu daah furayay hey’adaan ayaa waxaa joogay dhalinyro wax ku baratay gudaha dalka iyo qaar ka mid ah dalalka dunida, masuuliyiin ka socday xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisal wasaaraha, aqoonyahano, xildhibaano iyo marti sharaf kala duwan.
Qaar ka mid ah masuuliyiinta goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeyay waxqabadkii Alle ha u naxariiste Maxamed Maxamuud Sheekh Cali,hiigsigii iyo horumarka uu la doonayay dhalinyarada Soomaaliyeed kuwa qurbaha joogayna uu ku dhiirigalin jiray in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda isaga oo ahaa hal abuure ganacsi iyo waliba dhiirigaliye u taagnaa horumarka dalka.
Alle ha u naxariistee Maxamed Sheekh Cali waxaa la dilay 2-dii agoosto sanadkii tagay 2018-ka inta uusan dhiman rajooyinkii uu lahaa ayaa waxaa ka mid ahaa in uu sameeyo hey’adaan samafalka ah si ay u caawiso caruurta agoonta ah,dhalinyarada waxbarashada ku dhiban,dadka baahiyaha gaarka ah qaba , daryeel cafimaad in loo helo qoysaska danyarta ah.