Ciidankaย Xoogga dalka oo kaashanaya taliska Mareykanka ee Africom ayaa duqeyn diyaaradeed oo Khasaare lagu gaarsiiyay Argagixisada Al-shabaab waxa ay xalay ka fuliyeen degaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabellaha hoose.
War ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ay wadajir u fuliyeen xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Mareykanka ee Africom ย lagu dilay sarkaal ka tirsan kooxaha agagixisada Al-shabaab.
Taliska ciidamada Mareykanka Africom ayaa qiray in qiimeyn lagu sameeyay howlgalkaasi aysan jirin wax khasaare ahi oo ย soo gaaray ย dadka shacabka ah ee degaankaasi ku dhaqan.
Duqeyntaan ayaa tusaale u ah cadaadis taliska ciidamada Mareykanka ay ku doonayaan in ay ku burburiyaan argagixisada ee Al-shabaab iyo Al-Qaacida,sida uu ka dhawaajiyay taliyaha howlgallada ee ciidamada Africom Wiliam Geyler.
Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada lagu baacsanaayo kooxaha argagixisada inta dalka Soomaaliya laga helayo nabad waarta,waxaana wararkaasi ka soo baxay xafiiska Africom lagu xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacbigeeda lala garab taagan yahay wax kasta oo fududeyn kara jiritaanka Qaranka iyo taakuleynta umadda Soomaaliyeed.