Saturday, December 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Cumar Filish Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
WAR SAXAAFADEED KU SAABSAN CELINTA JINSIYADDII LABAAD EE MADAXWEYNE FARMAAJO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka in uu sii dhammeystiro qorshayaashii horumarineed iyo waxqabadkii muuqday ee Guddoomiyihii hore, Alle ha u naxariistee, Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow).

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo Baaq Kasoo Saartay Qalalaasihii Boorama

December 6, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xarig Jaray Buundada Sabiib Iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xarig Jaray Buundada Sabiib Iyo Caanoole

December 6, 2025

“Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego bulshadeenna.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha ee maanta oo ay taariikhduna ku beegan tahay Khamiis, 22-ka Ogoosto, 2019.

Previous Post

Wasiiro ka tirsan Maamulka K/galbeed Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Degmada Qansax-dheere.

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Golaha Sare iyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Suudaan

Next Post
Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhabbo cusub u jeexay siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Golaha Sare iyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Suudaan

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo Baaq Kasoo Saartay Qalalaasihii Boorama

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama....

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xarig Jaray Buundada Sabiib Iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xarig Jaray Buundada Sabiib Iyo Caanoole

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray furimaha hore ee dagaalka gobolka Shabeellaha hoose,wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka ayaa...

Ciidamada Xaq U Dirirka Oo Hawlgal Qorshaysan Kula Soo Wareegay Deegaan Dhaca Galgaduud

Ciidamada Xaq U Dirirka Oo Hawlgal Qorshaysan Kula Soo Wareegay Deegaan Dhaca Galgaduud

December 6, 2025
0

RADIO MUWDISHO:-Ciidamadda Xaq-U-Dirirka Deegaanka ayaa weerar qorsheeysan ku qaaday deegaanka Cowsweyne,kaas oo qiyaastii 50km u jira degmada Ceeldheer,waxaana ay si...

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Munaasabad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyay Dhiggiisa Baarlamaanka Caalamiga Ah

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Munaasabad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyay Dhiggiisa Baarlamaanka Caalamiga Ah

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa munaasabad soo dhaweyn ah xalay ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In